Glad Tidings Bible Studies in Somali
"For where two or three are gathered together in My name, I am there in the midst of them." Matt. 18:20

 

   Version for printing Downloads Contact us    Webmaster   
     Gladtidings Bible Studies > Somali > TABABARKA HOGAAMIYAYAASHA

TABABARKA HOGAAMIYAYAASHA

QEYBTA 1AAD. WAA MAXAY BISHAARADA BARASHADA KITAABKA QUDUUSKA AH?

Shaqada Tabliiqa

Waxaan ka barannay taariiqda Kiniisadda in koox yar ay baabuur u ahaayeen sida dad cusub lugugaari lahaa. Saaxibbadaa waxaad Ciise ugu sheegi kartaa inaad aasaastid koox bishaaro. Dadka qaar waxay jecelyihiin inay guri ku kulmaan intay Kiniisada ku kulmi lahaayeen.

Shaqada Dadka Kiniisadda

Koox Bishaaro ah way fududdahay in la hogaamiyo, waana inuu hogaamiyo qof caadi ah maaha inuu wadaad hogaamiyo. Sidaas aawadeed kooxa badan ayaan hal Kiniisad ka aasaasi karnaa.

Barashada Ogaanshaha

Dadka ka qayb qaadanayo wax badan ayay ka ogaanayaan maxaa yeelay su’aalo ayay ka jawaabayaan. Dadku waxay wax si fiican u baranayaan markay iyaga ogaadaan inti wax loo sheegi lahaa. Barashadan kitaabka waxay kaa caawin inaad kitaabkaada si fiican u akhrisid.

Meel Lugula Kulmo Ciise

Ciise waa erayga oo noqday jidh, taasoo micniheedu yahay waan la kulmi karnaa markaan Kitaabka kala feedno. Ujeedada kooxda bishaarada maaha in lagu baro baro shariciyada Masiixiyadda, laakiin in dadku ay la kulmaan badbaadiyaha nool. Ciise ayaa ku dhex jiraa markay dadka baranayaan Kitaabka Quduuska ah. Eeg Mataayos.18:20.

Kulan Masiixiyiin oo kuwa aan kuwa Masiixiyiinta ahayn lagu soo dhoweeya

Markaan wada baranno aayadaha Kitaabka Quduuska ah, wax la yaab leh ayaa inaga dhex dhacayaa. Qalbiyo ayaa furmayaan; dhibaatooyinka ayaa laga wada hadlayaa. Haddii isu imaadka uu micna yeesho dadka waxay marka dambe la imanayaan saaxibbadood.

Waa maxay waxa ay ku kala duwanyihiin Barashada Kitaabka Quduuska ee caadiga ah iyo tan kooxda bishaarada?

Erayada barashada “Barashada Kitaabka” waxay ka dhigantahay kulamo badan. Mararka qaar wadaadka kiniisada keliya ayaa faahfaahin ka bixinayaa Kitaka. Sida caadada ah markaas oo kale dhageystayaasha waa inay Masiixiyadda hore wax uga yaqaaneen. Barashada Bishaarada ma ‘aha sidaas oo kale – 80% su’aalaha barashadan waxaa loogu talagalay qof walbo inuu fahmo xitaa kuwa cusub. Sidaas aawadeed qof walbo wuu ka qayb qaadan karaa hadii uu qoraalku eego. Ka qayb qaatayaasha waxaa lugu hogaaminayaa in ay noloshooda ku isticmaalaan waxa ay barteen. Hal kale: ma ‘aha inaan raacraacno jawaabaha saxda ah balse waxaan rabnaa keliya inaan ku dhiiri gelino ka qayb qaatayaasha in ay ka dhiibtaan ku aaddan qoraalka.

QEYBTA 2AAD. MAXAAD U BAAHANTAHAY SI AAD U BILLOWDID KOOX BISHAARO AH?

  • Goobta. Waad ku kulmi kartaan guryaha, Kinisadda amaba geed hoostiis.
  • Labo hogaamiyayaal: Hogaamiyaha koowaad oo su’aalaha waydiinayo iyo kan kale oo caawinayo. Hogaamiyayaashan waa inay barashada bishaarada kitaabka quduuska ah qaataan intaysan billabin ka hor. Shaqada hogaamiya ku xigeenka waa inuu hawsha si wacan iskugu duba rido.
  • Bayballo. Qof walbo waa inuu kitaab gacanta ku haysto, oo turjumadiisu aad u jilicsantahay. Afrika dhibaatada ugu wayn ee culays nugu keeni karto waa aqoon la’aan iyo luqadihi oo badankooda kala duwan. Hogaamiyuhu waa inuu hubsadaa in qof walbo akhriyay fahmayna qoraalka intuusan billaabin ka hor.
  • (Sua’alaha.) Maadaama barashada bishaarada Kitaabka quduuska ku salaysantahay su’aalo hogaamiyuhu waa inuu haystaa su’aalaha bishaarada barashada kitaabka quduuska ah. Waxaad ka heli kartaa www.gladtidings-bs.com
  • Ka qayb qaatayaasha. Kooxda waa inayan ka badan 4-8 qof. Masiixiyiinta iyo kuwa aan Masiixiyiinta (ahynba) ahaynba way ku soo dhowaan karaan. Marka dadku aysan ka badnayn afar (illaa) ilaa sideed qofood isfahanka ayaa fududaanayaa. Haddii labo iyo toban qof meelahaas ay imaadaan adiga iyo hogaamiya ku xigeenka kala qaybsada. Haddii dadku ka soo bataan intaas labo guri halugu kala kulmo.
  • Shaah iwm. Inaad dadku shaah u diyaarisid khasab maaha, laakiin wax walbo waa inayan culays kugu noqon. Waa in mararka qaar dadka aad qado u diyaarisid.

    SIDEED ISKUGU DIYAAR GAREEN KARTAA BARASHADA KITAABKA QUDUUSKA AH?

  • Hogaamiyaha iyo hogaamiya ku xigeenka waa inay (suaalaha) su’aalaha si wacan u dul maraan si ay micnahooda si fiican ugu fahmaan.
  • Labada hogaamiye waa inay u duceeyaan dadka ay wax barayaan.

    QEYBTA 3AAD. MUXUU HOGAAMIYUHU SAMAYNAYA INTUU KUGUDA JIRO BARASHADAN

  • HORDHACA. Haddii dadka meesha iskugu yimid is garanaynin waa inay is bartaan.
  • DUCO/BARYO: Waa inaad ka baridaa in Ilaah dadka qalbiyadooda wax fahansiiyo. (Haddii ay joogaan dad dhibsanayo sida masiixiyiinta u tukadaan fadlan hoos u ducayso kor maaha.)
  • SHURUUCDA. Hogaamiyuhu waa inuu dadku fahansiiyaa sadexda sharci ee BBKQ: 1) Inta wax barasashada socotta hogaamiyuhu waa inuusan ka jawaabin wax suaal ah. 2) Hogaamiyuhu waa inuusan qofna ku oran jawaabtaadu waa khalad. 3) Haddii qof wax cashrka ka baxsan uu kaco waa in hogaamiyuhu dadka ku soo celiyaa casharka.
  • AKHRINTA QORAALKA. Waa inay dadka ay akhriyaan qoraalka laba mar. Haddii dadka ay labo luuqadood ku kula hadlaan labada luuqadood halagu akhriyo. Haddii ay jiraan dad aan fahmayn labadan luuqadood si fudud uga dhaadhaacsii.
  • TIXRAACA/DULUCDA. Hogaamiyuhu waa inuu tixraaca sheekada kor ka soo akhriyo oo uu hubsado in qof walbo fahmay.
  • (SUAAL) SU’AAL IS WAYDIINTA. Hogaamiyuhu waa inuu hal suaal waydiiyaa hal mar ah uuna suugaa in jawaabo badan la siiyo. Su’aalaha waa in lambar lugu calaamadeeyaa. Su’aasha hore tan ka xigta waxa keliya oo la akhrin karaa marka laga jawaabo ama aan laga jawaabin tan koowaad.
  • SUAAL KA JAWAABIDDA. Jawaabtu waa doonis. Qofna khasab haka kaga dhigin inuu su’aal ka jawaabo. Haddii dadka gacanta taagtaan suaasha ha waydiinin keliya kuwa ugu horreeya balse sug kuwa kale. Haddii aay jiraan dad aan si fudud u fahmaynin su’aalaha, sii iyagoo qoraal ah.
  • DADKA EEG/FIIRI. Mudada aad casharka baraysid su’aal keliya dadka ha waydiin. Eeg dadka waxa ka dhex dhacayo. Haddii hogaamiyuhu daacad yahay kuwa kalena way ahaanayaan.
  • WAXBA HA QORIN. Ha u ogolaan inuu qof wax qora intuu casharka socda. Haddii dadku wax qoraan su’aal kama jawaabi karaan.
  • WAQTIGA ILAALI. Casharka waa inuusan qaadan hal bar iyo ka badan. Haddii uu casharka daaho dadku way daalayaan marka dambena wayba joojinayaan inay imaadaan. Hadii dadka ay hadal badanyihiin oo casharku daba dheeraado su’aalaha qaar waad ka tagi kartaa laakiin ha ka tagin suaalaha ugu dambeeya, waayo iyagaa ah kuwa ugu muhiimsan.
  • BISHAARADA MARKA UGU DAMBEYSA. Dhamaadka (suaalaha) su’aalaha waxaa jirtaa hal suaal oo la yaqaano (suaasha) su’aasha bishaarada, taasoo qofka ku hogaaminayso cagta iskutalaabta. Waa in hogaamiyuhu hubsadaa in dadku fahmeen Injiilka.
  • WAREEGGA UGU DAMBEEYA. Markay qaybta bishaarada dhamaato, hogaamiyuhu wuxuu waydiinayaa: Fadlan hadda ii sheega waxaad ka barateen intaad kuguda jirteen barashada casharkan. Markaas waxaa qof walbo laga rabaa inuu wax sheego. Hal daqiiqo sii oo ay ku fikiraan. Marba qof waydi suaasha.
  • FAALLADA UGU DAMBEYSA EE HOGAAMIYAHA. Ugu dambaynta hogaamiyaha dadka wuu wacdin karaa illaa shan daqiiqo haduu rabo.
  • BARYO. Hogaamiyuhu wuxuu ku soo gabagabaynayaa baryo iyo duco uu ducaynayo hadii ay jiraan dad dhib haysto ee kooxda ka mid ah.
  • Hadii xitaa hal qof ah uu taabtay jacaylka Ciise hogaamiyuhu waa inuu u arkaa in barashadaas ay ahayd guul.

    Shaqada hogaamiya ku xigeenka

  • Hogaamiya ku xigeenka waa loo (ogolyahay) ogol yahay in uu suaalaha ka jawaabo.
  • Wuxuu wax ka dhaadhacsiinayaa kuwa soo daahay oo tusayaa meesha la marayo.
  • Markay kooxda badato oo dantu ka (khasbto) qasabto in labo lagadhigo, hogaamiya ku xigeenku wuxuu noqonayaa hogaamiyaha wayn ee kooxda cusub.

    QEYBTA 4AAD. DHIBAATOOYINKA HOOGAAMIYAHA SOO WAJIHI KARO


    Maxaad samaynaysaa haddii qofna waxba oran?

    Dhibaatadan waa mid caadi ah sadexda (suaal) su’aal oo ugu horeysa ee koox cusub. Ha yaabin! Dadku waxay billaabayaan inay ka jawaabaan haddii ay ogaadaan inaad iyaga u samaynin. Adiga hogaamiyaha ah ayaa u malaynayaa in dad mudo badan aamunsanyihiin, ma aamusnee dadku waxay ka fakarayaan suaasha. Haddii hal qof xitaa kajawaabi waayo, mar labaad suaashi iyada ahayd waydi.
  • (Suaasha) Su’aasha u waydi si sidi hore ka duwan.
  • (Suaasha) Su’aasha ku xigta u sii gudub.

    Maxaad samayni haddii aad garan wayso jawaabta (suaal) Su’aal qof dadka ka mid ah uu ku waydiiyay?

  • Ku dhiiri geli dadka inay ka jawaabaan, waayo waxaad adiga garanayn waxaa laga yaabaa in qof kale garanayo.
  • Ballan qaad inaad jawaabta soo raadinayso – ballantaadana oofi.
  • Waad qiran kartaa inaadan garanayn – horna u soco.

    Maxaad samaynaysaa hadduu qof jawaab khaldan ku siiyo?

    Waa inaadan qof ku oran waad khaldantahay, waayo waxaa laga yaabaa inuu sharaf dhac u arko.
  • Haddana waydi kuwa kale. Waxaa laga yaabaa in qof jawaabta saxa ah dhiibo.
  • Waydii qofki isaga ahaa: “Maxaa qoraalkan ku dhex aragatay oo kaa dhigay inaad sidaas u malaysid” markaas ka dib ayaa laga yaabaa inuu is garto.

    Maxaad samaynaysaa hadii dadka iska galaan sheeko ka baxsan casharka?

    Dad waxaa sidan sameeyo had iyo goorba.
  • Si aad dhibaatadan uga hortimid waa inaad dadka sadexdii sharci si wanaagsan ugu faahfaahisid: “taas oo xasuusinayso in ay haday casharka ka baxaan dib loogu soo celin doona.”
  • Haddii qof ka hadlo waayo aragnimadiisa waxaad ku oran kartaa, “Fadlan waxaan ka hadli doonnaa arrintaada markaan casharka dhamayno ama waqtiga (shaaha) shaax cabida”

    Maxaad samayni haddii qof jawaabtiisa aad u dheeraato, sida wacdi oo kale?

  • Haduu qof sidaas oo kale oo kooxda ka mid ah waa inaad ku tiraahdaa intuusan casharka billaabanin ka hor, “Fadlan jawaabaha soo gaabiya si qof wabo uu fikirkiisa u dhiibto!”
  • (Suaasha) Su’aasha kale u sii gudib intuu qofka neefsanayo.

    Maxaad samayni haddii hal qof mar walbo ka jawaabayo suaalahaaga oo dhan?

  • Si kastaba dadka kale waxaad waydiin fikradahooda markuu qofkan dhameeyo.
  • Kala hadal si khaas ah arriintaas.

    Maxaad samayni haddii dadka isku khilaafan madhabta diinta?

    Taas ma dhacdo marka la baranayo injiillada laakiin haddii ay dhacdo....
  • Soo koob labada fikradood.
  • Ogolaaw inaadan ku raacsanayn kana soco.
  • Haday arriinta muhiim tahay waydii baadarigaada inuu yimaado marka xigta una faahfaahi arrinta.

    Maxaad samayni haddii qof dadka ka mid uusan waxba oranin? Ha ku qasibin inuu haddlo bal isku day inaad ogaato inuu doonayo inuu aamusnaado. Kuwa jecel inaay fadhiyaan ma fiirinyaan inta badan hogaamiyaha.


    Maxaad sameeyni haddeey qeeyb dadka ka mid ah soo daahaan?
    Bal ka waran haddeysan dadku fahmin sharciyada barashada baaybalka?
    Maxaad sameeyni haddeey dadka qeeyb ka mid ah aaysan waxna qorin akhrina.
    Bal ka waran haddu cunug uu qaso wada haddalka?
    Bal ka waran haddii uu ku jiro kooxda qof aan aqoonin luuqadaada?
    Waa maxay waxyaabaha khaaska ee aay tahay inaad sameeyso haddee uu qof muslim ah ka soo qeeb galo barashadaada baaybalka?


    QEEBTA 5AAD ISKU DUBA RIDIDA BISHAARADA BARASHADA BAYBALKA EE KANIISADAADA.


    Gudiga barashada bishaarada baaybalka ee kaniisada oo dhan.

  • Marka lagu daro baadariga masuulka ka aha shaqadaan kuwa kale waxaay noqon karaan dhalinyarada ,hogaamiyaasha,kalkaaliyayaasha i.w.m.
  • Ururku waxuu dul maryayaa wada shaqada turjumida.
  • Oo waxay tababaro ka qorsheeynayaan dalka oo dhan.

    Guddiga Bishaarada Barashada Kitaabka Quduuska ee Kiniisadda.

  • Baadariga ama qof kale oo Kiniissadda ka shaqeeyo ayaa hogaamin karaa barashada.
  • Mar walbo oo Kitaabka la baranayo waa in kooxda isu yimaadaan oo hogaamiyayaashooda.
  • Waydiiya hogaamiyayaasha inay si sax ah uwadaan hawsha.
  • Kawada hadla dhibaatooyinka koox walba.

    Tabobar

  • Waxaa jiraa tabobar DVD ah oo Ingiriis ku qoran. Waxaaad ka dalban kartaa mailis@gladtidings-bs.com

    QEYBTA 6AAD. XULASHADA QALABKA

  • Waa inaad (suaalahan) su’aalahan ku (billoowdaa) bilowdaa.
  • (Suaalo) Su’aalo badan waxay ku jiraan Intarneedka www.gladtidings-bs.com
  • (Suaalaha) Su’aalaha waxay ku (qoranyihiin) qoran yihiin (20tan luuqadood ka badan) sida Ingiriis, Faransiis, Carabi, Amxaari, (Sawaaxil) iyo Soomali.
  • Fadlan baro buugga Markoos qoraalkan (ka dib) kadib. Kadibna waxaad akhrisataa (Lukoos), (Mataayos) iyo (Yoxaana). Halki akhri hal sano.
  • (Intarneedka) Hal xiddig wuxuu ka dhiganyahay (suaal) Su’aal fudud, labo waa xoogaa fudud sadex xiddig waa (adagyihiin) adah yihiin.
  • © 2009 Glad Tidings Bible Studies in Somali - www.gladtidings-bs.com