GT Bible Studies    

    Somali    


Navigation Glad Tidings Bible Studies in Somali

1. CIISE WUXUU LA KULMAY ADEEGE AAN DAACAD AHAYN (Matt. 9:9-14)



DULUCDA/TIXRAACA SHEEKADA: Wax wada cunidda waxay astaan saaxibtinimo u ahayd Yahuudii waqtigii Ciise jirtay. Dadka diinta way yasi jireen Canshuur qaadayaasha, maxaa yeelay canshuurta waxay u guri jireen ciidamadii Roomanka. (MONGOLIA. Waxay ahaayeen sidaas oo kale waxayna jireen dhinaca shiinaha markuu shiinaha u talinayay.) canshuur qaadayaasha waxay lacag dheeraad ah ka qaadi jireen kuwa canshuurta bixiya koolkaasay jeebkooda ku shuban jireen. Mataayos waa la baray tobanka amar ee- ku qoran Kitaabka Quduuska ah sida: Ha xadin! Faarasi wuxuu ahaa hogaamiye diineed.

1. Qof ma faraxsanaani karaa haddii uu lacag badan oo uu ku raaxaysto haysan?
  • Bal qiyaas noloshii Matayos, canshuur qaadihii. (Waxyaa behee noloshiisa aan fiicneyn inkastoo xataa uu ahaa mid lacag badan qaadanayey?
  • Matayos muxuu ka malaysanayey Ilaah iyo ammarradiisa markuu qabanayay shaqada canshuur qaadista?
  • Maxay caadi u tahay in maanta dad badan qaadanayaan lacag iyo waxyaabo kale oo aysan iyaga lahayn?

    2. Muxuu Matayos ka filayay in Ciise ku oran doono markuu xafiiskiisa soo galay?
  • Ciise muxuu Matayos u waydiin waayay: “Ma jeclaan lahayd inaad noqotid xerteyda?”
  • Muxuu Matayos u maleeyay markuu ku yiri hogaamiye diineedkii caanka ahaa ku soo biir kooxdayda?
  • Muxuu Ciise u doonayay in mid cashuur qaade ah ka mid noqdo xertiisa inkastoo uu ogaa in lugu dacaayadayn doono?

    3. Asxaabtiisi maxay u maleeyeen markay arkeen Matayos oo shaqadiisi si dagdag ah uga soo tagay isagoo xitaa miiskiisi aan nadiifin?
  • Maxaa Matayos ku dhiiri geliyay in uu ka soo tago shaqadiisi wanaagsanayd iyo dakhligiisi joogtada ahaa?

    4. Marka laga reebo wixi ka lumay, Matayos muxuu ka helay raacitaanka Ciise?
  • Sidee noloshi gurigiisa Matayos u baddalmatay markuu isagoo ah aabihi guriga rumaystay Ciise?
  • Muxuu Matayos u doonayay inuu xaflad casho isku dubbarido uuna casuumo Ciise iyo asxaabtiisi hore ?

    5. Waa kuwee dadka bulshadeenna ka mid ah oo dadka wan wanaagsan aysan doonaynin inay isku dhex daraan (11)?
  • Ciise muxuu u doonayay inuu isku daro dadka oo dhan?

    6. Maxay Faarisiinta Ciise ugu dacaayadayn waayeen hortiisa intay xertiisa ku dacayadaynayeen (11)?

    7. Ciise aayadahan muxuu ka waday 12-13?
  • Kuweed labadan kooxood ka tirsantahay: kuwa xaqqa ahaa mise kuwa dembiileyaasha? (Waad iskiiga jawaabi kartaa qalbigaaga gudihiisa.)

    8. Mar dambe Matayos xitaa wuxuu qoray taariikh nololeedka Ciise: Injiilka siduu Matayos u qoray. Ma u malaynaysaa inuu ka shallaayay tegitaankiisi uu ka soo tagay wax walbo oo uu soo raacay Ciise? Sheeg sababahaaga.

    9. SUAALAHA BISHAARADA: Ciise wuxuu iminka kugu leeyahay labadan waxyaabood: “Isoo raac!” iyo “Uma aanan iman inaan macsuumo kuwa xaqqa ah laakiinse waxaan u imid dembiileyaasha.” Maxaad ugu jawaabaysaa isaga?
  • (Waa inuu qof walbo ka jawaabo): Waa maxay waxa ugu muhiimsan ee aad ka baratay intaan kuguda jirnay casharkan?

    Version for printing    
    Downloads    
    Contact us    
    Webmaster