GT Bible Studies    

    Somali    


Navigation Glad Tidings Bible Studies in Somali

2. CIISE WUXUU LA KULMAY NIN BUKKA- OO RAJO LA’AAN AH (Mark 2:1-12)



DULUCDA/TIXRAACA SHEEKADA: Waqtiga Ciise guryaha waxay lahaayeen saqaf fidsan kasoo laga sameeyay shamiindo iyo jilay. Guriga dhinaciisa waxaa ku taallay jaranjar ilaa saqafka gaaraysay. Qofku wuxuu Baralays noqdaa markuu gaboobo, dhexaad gaaro ama uu cudurka maskaxda ku dhaco. Qofka Baralayska ah ma hadli karo mana socon karo. Wiilka Aadanaha waa magac uu Ciise isaga isu isticmaalay.

1. Ma u malaynaysaa qof inuu faraxsanaan karo haddii uu sariirta ka kici kari la’yahay uuna hadli –karin amaba socon Karin?
  • Qofkan muxuu u baahnaan karaa maalin walbo?
  • Bal qiyaas nolosha qofka kor joogaha u ahaa ninkan maalin walbo.

    2. Yahuudda oo dhan Ilaah way rumaysnaayeen waqtigaas. Muxuu -nikan curyaanka- ah u malaynayey Ilaah ama Iimaankiisa kadib markuu curyaanka noqday?

    3. Waxaan aayadda 5aad ka arki karnaa in ninkan ka dembaabay xagga damiirka. Waa dembiyo noocee dembiyada qof geli karoo isagoo xitaa aan socon Karin ama hadli karin?
  • Waa maxay fikradaada: xanuunka iyo jirrada ma waxay noo baddalaan wax xun mise wax san haddii aan aadana nahay?

    4. Maxaa waaye dhibaatooyinka lagala kulmi –karo- qof curyaan ah in busto lugu qaado magaalada gudaheeda?
  • Maxay dadka kale intay dibadda u soo baxaan ugu ogolaan waayeen in ninkan Ciise loo geeyo –ninkii curyaanka ahaa (4)?
  • Maxay afartiisi saaxib u noqon waayeen oo guryahooda u aadi waayeen markay ogaadeen in ay suurta gal ahayn in illinka laga galo ?

    5. Maxay afartan nin u ahaayeen ninka curyaanka ah? Ka fikir wax kastood u malayn kartid. (3).
  • Maxaa loo baahnaa marka ninkan curyaanka ah la gaarsiinayay saqafka? (Eeg dulucda sheekada ee guriga ku saabsan.)
  • Qalab noocee loo baahnaa marka saqafka la jebinayay? Xaggey afartan nin qalabkaas ka heleen?
  • Dadki gudaha ku jiray maxay isku oranayeen marki saqafka la jebinayay?

    6. Afarti nin waxay saaxibkood Ciise ugu keenayn si loo bogsiiyo. Muxuu Ciise dembiga ugu cafiyay marka hore (5)?
  • Muxuu Ciise sidan u sameeyay: Marka hore inuu dembiyada cafiyo kadibne jirrada bogsiiyo?
  • Sidee buu ninkii curyaanka ahaa u arkay in dembiyadiisa hore uu u sameeyay – oo - dhan la cafiyay?

    7. Bal qiyaas intaad Ciise u tagtay si uu dhibaatadaada ugu wayn u xaliyo. Maxaad u malayn lahayd haddii uu kugu jawaabo: “Inankaygiyow/ inantaydiyay, dembiyadaada waa la cafiyay.” Ma caroon lahayd mise waad farxi lahayd?
  • Haddii aad kala dooran lahayd, mideed qaadan lahayd: Ma damiir wanaagsan mise xal aad u heshid dhibaatadaada ugu wayn?
  • Siday aragtadi curyaanka uu ka qabay jirrada u baddalmatay markuu ogaaday inuu Jannada tagi doono ugu dambaynta?

    8. Aayadda (5) 5aad Ciise kagama uusan hadlin rumaysadka ninka curyaanka ah laakiinse wuxuu ka hadlay kan saaxibbadiis. Waxaa iska cad ninkaas inuusan rumaysad lahayn intuusan Ciise la kulmin ka hor. Ka soo saar aayadda meeshaad u malaynaysid inuu rumaysadkiisa ku (billowday) bilowday ?
  • Maxay macalimiintii sharciga u rumaysan waayeen in Ciise dembiyada dadka cafin karayo (7-8)?

    9. Ka jawaab su’aasha Ciise ee aayadda 9aad.
  • Maxay ku qaadatay Ciise inuu ninkan bogsiiyo? Maxay sidoo kale ku qaadatay inuu dembiyadiisa cafiyo?
  • Maxaad ka malaysan lahayd Ciise haddii indhahaaga markhaati ka ahaan lahaayeen waxa lugu tilmaamay aayadaha 10-12?

    10. (SUAALAHA) SU’AALAHA BISHAARADA: Haddii uu qalbigaaga ku ashtakaynayo wax xumaan ah oo aad sameesay, dhegayso wuxuu Ciise kugu leeyahay: “Wiilkaygiyow/gabadhaydiyay dembigaaga waa la cafiyay” Si uu u oofiyo ballanqaadkiisa Ciise wuxuu cid walbo ugu dhintay iskutalaabta… Ballanqaadkiisa muxuu kula yahay maanta? Adiga ayaa is og (Kaga jawaab qalbigaaga.)
  • (Waa inuu qof walbo ka jawaabo): Waa maxay waxa ugu muhiimsan ee aad ka baratay intaan kuguda jirnay barashada casharkan?

    Version for printing    
    Downloads    
    Contact us    
    Webmaster