GT Bible Studies    

    Somali    


Navigation Glad Tidings Bible Studies in Somali

3. CIISE WUXUU LA KULMAY NAAG DHILLO AH (Lukoos 7:36-50)



DULUCDA/TIXRAACA SHEEKADA: Aayadaha 44-46 waxay tilmaamayaan sida marti sharafka loo soo dhowayn jiray waqtigi Ciise. Dadka waxay cunteen jireen iyagoo (faloorka) sagxadda dhulka ku fadhiyo sidaas aawadeed dadka cagahooda waxay cuntada nacsiin jireen dadka kale. dhaqanka Yahuuda lagama ogolayn In naag tinteeda ku qaawiso rag aysan garanaynin. Faarisi waa qof Ilaahay dhab u rumaysan. Simcon (maaha) ma’aha kii ka tirsanaa laba iyo tobankii (xer) xerta ee Ciise.

1. Aragtidaada ma kula tahay in naag dhilo ah nolol farxad ku noolaan karto. Maxay tahay sababta
  • Dadka magaalada oo dhan way garanayeen naagtan jirkeeda ka ganacsan jirtay. Bal qiyaas maxaa naagtan ku khasbay inay jirkeeda ka ganacsato?

    2.
  • Maxaa aad ugu qiimo badnaa Simcoonkii Farisiga ahaa?
  • Simcon muxuu shaqaalihiisa ugu yeeri waayay si uu cagaha ugu dhaqo Ciise waayo isagaa macsuumaye? (36, 44-46)
  • Maxay kula tahay waxyaabihii uu Simcon damacsanaa markuu Ciise ku casuumayay cashada? Bal gedgedi arriintaas (36).

    3. Siday naagtan guriga Simcon ku soo gashay xitaa qolka cuntada? Siyaabo badan u fiiri.
  • Dhalo wayn oo barafuun ah aad bay qaali u ahayd. Naagtan siday ku heshay dhaladaas, ama ujeedaday u soo gadday markii horeyba ?

    4. Maxay naagtan aad ugu rabtay inay Ciise la kulanto ilaa ay ugu tagtay wadaad gurigiis, iyadoo og in lugu jesjeesayo?
  • Waqtigaas wadaadada diinta ma aysan jeclaan jirin inay isku dhex daraan dembiileyaasha. Maxaa naagtan rajo geliyay oo ay u rumaysatay inuu Ciise ka duwanaanayo?

    5. Maxay naagta u rabtay inay Ciise taabato (38)?
  • Maxaad u malayni haddii jiir, mas ama qof aan necbannahay ina taabto?
  • Maxay naagta fahantay/waxaad ogaataa in Ciise dhibsanin taabashada naagtan.

    6. Bal qiyaas marki naagtan oohin ugu dambaysay?
  • Illin intee la’eg baad u malaynaysaa in loo baahanyahay si qof cagahiisa loo dhaqo?
  • Maxaa naagtan sidaas oga illimeeyay ilaa ay ka qoyso cagihii Ciise?
  • Maxay naagta ugu qallajin waysay cagihii Ciise qamaarkeeda ama maradeeda intay timaheeda ku qallajinaysay?
  • Naagta marki la cashaynayay wax hadal ah ma aysan dhihin laakiin dhaqankeeda muxuu tusay?
    7. Aayadaha 41-42 Ciise wuxuu masaal ku bixiyay nin bangiile ah iyo niman uu lacag ku leeyahay. Kan bangiga leh waa Ilaah, laakiin yuu Ciise ku wadaa labada nin oo deenta lugu leeyahay?
  • Ciise wuxuu isku barbardhigayaa dembi iyo deen.
  • Bal aan ka soo qaadno inaad dembi walbo ood Ilaah ka gashay uu la mid yahay 10 shilin oo deen. Meeqaa deen buu Ilaah kugu leeyahay hadda. (Qalbigaad iskaga jawaabi kartaa.)

    8. Muxuu Simcon u yaseyey Ciise iyo naagtaba (39)?
    (
  • Maxay inoogu fududdahay inaan eegno dembiyada dadka kale oon u arki la’anahay kuweenna)?

    9. Kee hor dhacay: Naagtu ma waxay marka hore rumaysatay in dembiyadeeda la cafiyay, Mise marka hore waxay jeclaatay Ciise si uu dembiyadeeda u cafiyo? Jawaabaha waxaad ka heli kartaa aayadaha 42-43, 47.
  • Yaa bixiyay deenti ay naagtan Ilaah ka qabtay?
  • Maxaa ku dhacay deenti uu Simcon Rabbiga ka qabay?
  • Lacagtee buu Ciise ku bixiyay dembiyada dadka oo dhan?

    10. SUAALAHA BISHAARADA: Ciise wuu ogyahay dembiyadaada oo dhan, iyadoo ay taas jirto hadana wuxuu kugu leeyahay: “dembiyadaada oo dhan waa la cafiyay. Rumaysadkaaga ayaad ku badbaaday. Nabad ku tag!” (Aayadaha 48 ilaa iyo 50) Isaga keliya ayaa xaq u leh inuu erayadaas ku hadlo, waayo wuxuu dhiiggiisa ku bixiyay deenti dembigaaga. Maxaad ugu jawaabi? (Qalbigaagaad iskaga jawaabi kartaa.)
  • (Waa in qof walbo ka jawaabo): Waa maxay waxa ugu muhiimsan ee aad ka baratay intaad kuguda jirtay barashada casharkan?

    Version for printing    
    Downloads    
    Contact us    
    Webmaster