GT Bible Studies    

    Somali    


Navigation Glad Tidings Bible Studies in Somali

4. CIISE WUXUU LA KULMAY [SIYAASYAHAN] SIYAASI NAJAXAY (Mark 10:17-27)



DULUCDA/TIXRAACA SHEEKADA: Ninka halkan lugu magacaabay wuxuu ahaa nin da’ yar islamarkaana ah xubin baarlamaan (kuwaasoo loo yaqaanay golihii waynaa). (Matt.19:22 and Luke 18:18). Ninkan wuxuu Kitaabka Quduuska ka bartay markuu dhinto ka dib in uu Janno gelayo ama naar gelayo. Waxaad ogaataa in dhaqan ahaan aad u foolxuma badnayd Nin ku soo orda ama u jilba joogsado nin kale nin kale hortiisa.

1. Maxaad u malaynaysaa: qof ma faraxsanaan karaa haddii uusan ogayn waxa ku dhici doono markuu dhinto kadib?
  • Maxaa ku kallifay in ninkan oo ah xubin baarlamaan uu sameeyo waxyaabahaas la yaabka leh sida markuu ku soo orday oo jilba joogsaday Ciise hortiisa (17)?
  • Ninkan ma wuxuu Ciise u tixgeliyay Ilaah mise wuxuu iskaga maleeyay nin aan caadi ahayn oo xigmad badan (17b-18)?

    2. Muxuusan ninkan u hubin badbaadadiisa inkastoo uu ilaaliyey ammarrada Eebbe oo dhan?
  • Maxaan inaga had iyo goorba u hubin inaan janno geleyno goortaan dhimanno ka dib?
  • Ma u malaynaysaa inuu qof hubsan karayo inuu janno gelayo iyo inkale markuu dhinto ka dib? Sababahaaga sheeg.

    3. Kuwee ugu adag ammarrada uu Ciise halkan ku sheegay (19)?
  • Siyaasiyiin badan waxay kuwa musuqmaasuq ah oo lacag iyo sino jecel. Ninkan sidee buu uga badbaaday jarribaadahaas oo dhan (20)?
  • Waxaad ogaataa sida Ciise hadalka u dhigay ammarrada oo dhan waa in la fuliyaa camal keliya maahee xitaa erayadaada iyo fikirkaaga waa inaad Ilaah ku adeecdaa. Ma u malaynaysaa in ninkan uu Ilaah ku adeecay dhan walbo (19-20)?
  • Si daacad ah ma u dhihi kartaa erayada uu ninkan ku hadlay aayadda 20?

    4. Ninkan hal arriin baa ka maqnayd. Soo koob aayadda 21aad oo sheeg waxa ninkan ka maqnaa?

    5. Ciise wuxuu aayadda 21aad ku sheegay in hanti badan taallo Jannada. Siduu qofka u uruursan karaa hantida Jannada?
  • Waa maxay kala duwanaanshaha u dhaxeeyo hantida dunida iyo tan Jannada?
  • Waa maxay hantida ay maanta dadka da’ada yar aadka u qiimeeyaan?
  • Waa maxay waxa kuugu qiimo badan noloshaada? (Qalbigaagaad kaga jawaabi kartaa.)

    6. Ninkan da’ada yar wuxuu lahaa reer iyo waalid uu ilaalinayay. Maxaa ku dhici lahaa iyaga haddii uu goaansan lahaa inuu raaco waxa Ciise ku leeyahay aayadda 21aad?
  • Bal qiyaas adigoo xaaladda ninkaas da’ada yar ku sugan. Ma rumaysan lahayd inuu Ilaah ilaalin karayo noloshaada iyo tan reerkaadaba haddii aad wax walbo isaga aawadii uga tagto?
  • Wax walbo ma uga tagi lahayd inaad janno ku heshid? (Qalbigaagaad kaga jawaabi kartaa.)

    7. Sida ku qoran aayadda 21aad, Ciise wuu jeclaa siyaasiga da’ada yar? Muxuu marka hadalladaas ugu dhahay illaa uu ka tago?

    8. Markuu ogaaday inuusan samayn Karin waxa isaga Ciise ka rabay inuu sameeyo, maxay kula tahay inuu ninkan samayn kari lahaa inuu ka tago mooyaane (22aad)?
  • Muxuu Ciise ku jawaabi lahaa haddii uu ninkan ku oran lahaa: “I cafi waayo waxaan kaa jeclahay lacagtayda!”

    9. Bal qiyaas nolosha ninkan siyaasiga ah: Miyuu faraxsanaa? Muxuu ka malaysanayay geerida?
  • Bal isu barbardhig jawaabti uu Ciise siiyay siyaasigan da’ada yar iyo siduu ugu jawaabay Butros (aayadaha 21 illaa 27). Jawaabahaas ma isku mid bay ahaayeen mise way kala duwanaayeen?
  • Yaa Jannada geli karaa markuu dhinto ka dib?

    10. SUAALAHA BISHAARADA: “Wax walba waa u suurta gashaa Ilaah” taas macnaheedu waxaa weeye: Ciise hantidiisi Jannada wuu ka soo tagay wuxuuna (aga) oga soo tagay si uu dembiyadeenna ugu dhinto (oon) oo aan (ka dib) kadib u helno nolosha weligeed ah. Khaladka ugu wayn uu ninkan galay wuxuu ahaa Ciise ayuu ka tagay. Maxaad samayn doontaa adiga? (Qalbigaagaad kaga jawaabi kartaa.)
  • (Waa in qof walbo ka jawaabo): Waa maxay waxa ugu muhiimsan ee aad ka baratay intaan kuguda jirnay barashada casharkan?

    Version for printing    
    Downloads    
    Contact us    
    Webmaster