5. WAXBARIDDII CIISE: WIILKII LUMAY (Lukoos 15:11-24)
DULUCDA SHEEKADA/TIXRAACA: sheekadan Ciise waxaa loo yaqaanaa masaal. Dhaxalka lama heli jirin intuusan qofka dhiman ka hor. Guryaha waqtigii Ciise kuma aysan oollin buuraha korkooda laakiin waxay ku oolli jireen jidka tuulada. Markaad tuulada kor ka joogto guryaha saqafkooda unbaa muuqanaya (20). Sidaan horayba u soo sheegnay ragga waayadaas meysan ordi jirin.
1. Qof da’ yar ma faraxsanaani haddii ay waalidkiis xakameeyaan?
Ninkaa da’ada yar muxuu u faraxsanaani waayey inkastoo uu haystay guri wanaagsan iyo Aabo wanaagsan?
Haddii aad wiilkaas Aabihiis ahaan lahayd maxaad ugu jawaabi lahayd codsiga wiilkaaga (12a)?
2. Muxuu Aabaha u qarsaday dhibki iyo murugadi haysatay inkastoo uu ogaa waxa ku dhici karayo haddii uu wiilkiisa fasaxo (12b)?
Sida masaalkan ku xusan Aabaha waxaa laga wadaa Ilaah. Wiilkana waa qof Ilaah ka tagay markuu rumaystay oo la babtiisay kadib. (Ilaah muu dadka ka reebo inay isaga ka fogaadaan? ) Muxuusan Ilaah iskugu dayin inuu joojiyo wiilkiisa in uusan ka tagin?
3. Maxay dad badan oo da’yar maanta u jecel yihiin inay u noolaadaan sida ninkaas oo kale inay lacag jeebadaha buuxsadaan ay u rabaan inay dibadaha lacag kula soo tuntaan?
Siduu ninkan da’da yar u isticmaalay lacagti Aabihiis bal eeg aayadaha 13 illaa iyo 30?
Maxaa ku dhacay ninkan oo uu u heli waayey saaxibbo u gargaara markuu nasiibkiisi xumaaday?
4. Doofaarku waxay Yahuudda u arki jireen inuu nijaas yahay. Maxay kula tahay inuu ninkan ku fikirayey markuu shaqo ka raadsaday meesha doofaarrada lagu dhaqo (14-15)?
Maxaa ninkan yar xitaa loogu ogolaan waayay inuu cuno raashiinka doofaarka si uu gaajada oga badbaado? (16)?
5. Maxaa ninkan da’ada yar niyadiisa soo celiyay oo uu u soo laabtay intuu isdaldali lahaa darxumo aawadeed (17)?
Aayadaha 18-19 waxaad ku arkaysaa qirashada uu ninkan rabay in uu u qirto Aabihii. Waa maxay dembiyada uu Aabihii ka galay?
Waa maxay dembiyada uu ninkan ka galay Ilaah? (18)?
Waa maxay dembiyada aad adiga ka gashay Ilaah iyo waalidkaadaba? (Qalbigaagaad kaga jawaabi kartaa.)
6. Muxuu ninkan da’ada yar Aabihii u weydiisan waayay inuu dib u aqbalo wiilkiisa ahaan (19)?
Waa dad noocee dadka aan u qalmin in loogu yeero carruurta Ilaah (19)?
7. Muxuu Aabaha ku fikiray markuu arkay wiilkiisoo lugaha dhulka ku soo jiidayo oo kabo la’aan ah (20)?
Maxaa u suurta geliyay in Aabaha uu wiilkiisa meel fog ka garto (20)? (Eeg tixraaca sheekada)
Maxay kula tahay inuu Aabaha sameenayey sanadihii badnaa oo wiilkiisa ka maqnaa (20)?
8. Muxuu wiilka Aabaha ugu sheegi waayay wax walboo uu qorshaystay inuu u sheego (18b-19 illa iyo 21)?
Siduu wiilku u arkay dhaqanka iyo hadallada Aabihiis (22-23)?
Goormuu Aabuhu wiilka cafiyay? Sheeg aayadda.
Goormuu wiilku billooway inuu rumaysto jacaylka iyo cafiska Aabihii? Sheeg aayadda?
Aabuhu muxuu kala jeeday micnaha erayadan ku xusan aayadda 24aad?
9. Siduu jacaylka Ilaah oga duwan yahay kan aadanaha?
Masaalkan muxuu naga barayaa toobadkeenidda?
10. SUAALAHA BISHAARADA: “Wiilkaygan wuu dhintay wuuna soo noolaaday.” Ciise wuxuu ka soo tagay gurigi aabihiis dhulkuuna yimid, ma ahayn inuu ka hor imaado doonista aabihiis laakiin inuu fuliyo. Markuu guriga ku laabanayay albaabka jannada ayaa indhaha looga dhuftay wuxuuna ku qayliyay “Ilaahayow Ilaahayow maxaad ii dayrisay?” Maxaa wiilkan masaalka ku sugan loogu soo dhoweeyay siduu Ciise mudnaa in loo soo dhoweeyo, Ciisana loogu dayriyay sidi la rabay in wiilkan loo dayriyo?
(Waa in qof walbo ka jawaabo:) Waa maxay waxa ugu muhiimsan ee aad ka baratay intaad ku guda jirtay barashada casharkan?
Version for printing
Downloads
Contact us
Webmaster