GT Bible Studies    

    Somali    


Navigation Glad Tidings Bible Studies in Somali

6. WAXBARIDDII CIISE. WIIL KALE OO LUMAY: (Lukoos 15:25-32)



DULUCDA/TIXRAACA SHEEKADA: Waxaa dhab ah, aabaha wuxuu hantidiisa nuskeeda uga (tagay) tagey wiilkiisa weyn markuu kii yaraa dhaxalkiisi helay (aayada 12). Aabaha (khaldkiisa) qaladkiisa ma aysan ahayn inuu wiilkiisa rumaysan waayay.

1. Nin da’ yar ma faraxsanaani karaa haddii uu u maleeyo inay labadiisa waalid jeclayn?
  • Muxuu wiilka wayn u raaci waayay walalkiisa yar haddii uusan ku faraxsanayn nolosha guriga?
  • Maxay ahayd baad u malaynaysaa waxa wiilka wayn aad u suguyay noloshiisa oo dhan?

    2. Muxuu wiilka wayn adoon isugu maleeyay inkastoo Aabihii u ballan qaaday hantida nuskeeda (12b, 29, 31)?
  • Haddii aabaha masaalkan lugu sheegay yahay Ilaah wiilkan yarna yahay Masiixa ku caasiyay Ilaah, haddaba wiilka wayn yuu noqon karaa?
  • Ma u malaynaysaa in Aabaha ula dhaqmay labadiisa wiil isku mid?
  • Ma u malaynaysaa in Ilaah inoola dhaqmo si isku mid ah?

    3. Wiilka wayn muxuu ku fikirayey markuu maalin walbo beerta falayay?
  • Haddii aad dareentay sida wiilka wayn ee ku xusan aayadaha 29-30, xaaladaeed ku sugnayd markay dhacaysay?
  • Maxaad u malaynaysaa in ay tahay sababta dhabta ah uu wiilka wayn weligiis xaflad ugu qabanin saaxibadiis (29)?
  • Siduu aabaha dareemi lahaa hadduu wiilka wayn neef ari ah u qali lahaa oo uu xaflad u dhigi lahaa saxibadiis (30-31)?

    4. Waa maxay sababta dhabta ah ee wiilka wayn u carooday halkan (27-28)?
  • Wiilka yar mar hore ayuu sharafti aabihii ku cayaaray dadka tuulada hortooda oo dhan haddana kii waynaa ayaa (sidi) sidii oo kale samaynayaa. Muxuu aabahan u xanaaqi waayay?
  • Waa maxay waxa aabaha aad ka arki kartid sida ku qoran aayadaha 28b illaa iyo 31-32?
  • Waa maxay waxa Ilaah aad ka arki kartid sida ku qoran aayadaha 28b, 31-32?

    5. Muxuu wiilka wayn aabihii u jeclaan waayay inkastoo inkastoo Aabaha isaga weligii u fiicnaa?
  • Kawada sheekaysta masaaalkan: Waa maxay sababta dhabta haddii ay dhacdo inaan Ilaah jeclaan wayno?

    6. Wiilka wayn wuxuu moodayay inuu had iyo goorba fulinayay doonista Aabihiis (29). Laakiin aabaha muxuu ka filayay wiilkiisa?
  • Maxaa ina tusi karaa in wiilka wayn jeclayn wiilka yar (30)?
  • Yuu wiilka wayn jeclaa?

    7. Muxuu Ciise ugu gooyay sheekada dhexda in wiilka weynaa xafladda tagay iyo in kale (28, 32)?

    8. Markaad ku aragtid xaflad masaallada Ciise waxaa lagawadaa Janno. Sida masaalkan ku qoran yaa ugu dambaynta jannada geli doonaa?
  • Sida masaalkan aan ku soo aragnay yay khaladkiisa tahay haddii qof jannada geli waayo?
    9. Bal qiyaas xaalku siduu ahaa markay labadi wiilba subixi dambe beerta wada aadeen. Wiilka wayn siduu dareemaye kan yarna siduu ahaa?
  • Dadka dunida oo dhan labadaa wiil midkood unbay yihiin. Midkeed adiga la mid tahay? (Qalbigaagaad kaga jawaabi kartaa.)

    10. SUAALAHA BISHAARADA: Ciise wuxuu kugu leeyahay: “Hantidayda oo dhan adiga ayaa leh.” Iskutalaabta dusheeda markuu saarnaa wuxuu jannada kaaga diyaarinayay boos/goob. Wuxuu dhaxalkan ku siiyay maalinti lugu babtiisay. Wiilka wayn ma uusan rumaysan ballan qaadkan, laakiin dhaxalkiisa wuxuu ugu shaqaystay sida adoon oo kale. Ma rumaysanaysaa inaad dhaxalka jannada ku heli doontid shaqo la’aan mise waxaad isku dayi inaad shaqaysatid inaad camal wanaagsan aawadiis aad ku gashid jannada? (Qalbigaagaad kaga jawaabi kartaa.)
  • (Waa in qof walbo ka jawaabo): Waa maxay waxa ugu muhiimsan ee aad ka baratay intaad kuguda jirtay barashada casharkan?


    Version for printing    
    Downloads    
    Contact us    
    Webmaster