GT Bible Studies    

    Somali    


Navigation Glad Tidings Bible Studies in Somali

7. WAX BARIDDII KALE EE CIISE: WAA KUMA DARISKAYGA? (Lukoos 10:25-37)



DULUCDA/TIXRAACA SHEEKADA: Waddadii buurta ee u dhaxeeyay Yeerusaleem iyo Jeeriko wuxuu ahaa sodon kiloomitir aad buuna u tuuga badnaa. Laawi waxaa la oran jiray ninka (illinka) ilinka macbudka ilaaliya. Waqtigii Ciise, Yuhuudda waxay isdagaalsanaayeen dadka reer Samaariya kuwaasoo kula noolaa hal waddan ah. (Tusaala u soo qaado waddankaaga. Somaaliya: Soomaalidu waxay isku dagaalaan qabiil sida Hawiya, daarood, dir, digil iyo mirifle i.w.m. Haddii aad Soomaaliya ku soo noolayd waqtigii dagaallada (masaashan) tusaalahan si wanaagsan ayaad u fahmi kartaa.)

1. Qof ma faraxsanaani karaa haddii uusan dadka kale u dar yeelaynin oo uu isaga tiisa keliya ka fakarayo
  • Intee mar baad lacagtaada bixisay si aad ugu deeqdo kuwa baahan?

    2. Waxaan cashar hore ku soo barannay in isla suaashan uu waydiiyay Ciise nin Siyaasi ah. Muxuu yahay jidka Jannada sida Ciise uu ku yiri aayaddan (25-27)?
  • Waa fursadahaaga janno haddii shuruudyada ay yihiin kuwa Ciise inagu baray aayadda 27?

    3. Ciise wuxuu masaal inagu siiyay nin tuugo ay waddo si xun ugu dhaawaceen. Bal qiyaas waxa uu ninkan ku fikirayay markuu halkaas jiifay (30).
  • Maxay naagtiisa iyo caruurtiisa ku fikiraayeen markay waayeen Aabihi guriga oo uusan waqtigii la sugayay?

    4. Maxaa dadka meesha marayay khatar geliyay oo ay caawin waayeen ninkan dhibaysan?
  • Wadaadadki iyo Laawigi waxay u socdeen macbudka si ay u soo cibaadeestaan. Maxay sameeyn lahaayeen ayay kula tahay hadduu labadaa nin qofkaas wiilkooda ahaan lahaa?
  • Ka fakar wax badan sababta labadan nin ay u caawin waayeen ninkan aan la garanaynin. (31-32)?
  • Sideed adigu qudhaada samayn lahayd haddii aad halkaas joogtay markaas?

    5. Siday Wadaadki iyo Laawigii u turjunteen amarka Eebbe ee jacaylka ku saabsanaa oo la soo baray tan iyo yaraantodi? Eeg aayadda 27aad?
  • Maxaad u malayn lahayd qof sidan kugu yiri: “Qalbi daacad ah ayaan Ilaah ku jeclahay, laakiin waan ka xumahay fursad ma hayo aan ku caawiyo dad kale.”

    6. Haddii ninkaas reer Samariya ah iska dhaafi lahaa ninkaas sidee buu isku difaaci lahaa haddii la waydiiyo sabatuu ninkaas uga tagay? Eeg tixraaca sheekada.
  • Muxuu ninkaas reer Samariya ah ugu sameeyay waanaga intaas la’eg Yahuudiga? (33-35)?

    7. Labo diinaar waxay ahayd waxa labo maalin lagu shaqeeyo, oo la mid ah 13 meelood mushaarka ugu wanaagsan ee qof ku shaqeeyo. Lacagtaas iyada ah qof labo bilood ayuu ku noolaan karaa. Sarifka labo diinaar waa meeqaa oo shilin soomaali ah?
  • Bal ka fikir sababta ninkaas reer Samariya ah uu waxaasoo lacag ah u siiyay ninkaas uusan aqoonin. (35).
  • Aragtidaada ahaan meeqaa meel boqolaad oo ammarrada jacaylka ayuu adeecay? Eeg aayadda 27aad.

    8. Yuu Ciise ku waday daris?
  • Waa kuwee kuwa dariskaaga ah oo aad si fog iyo si dhow u caawinaysid?

    9. Haddii lugu waydiin lahaa inaad kala dooratid waxa masaalkan lugu sheegay, middee baad dooran lahayd adiga ahaantaada? Ma ninki la furtay oo la silciyey, mise tuuggi, ama laawigii mise ninkii reer Samariya. Sababahaaga sheeg aad u doorin lahayd taas iyada ah.
  • Sidee buu Ciise ugu egyahay ninka reer Samariya ee masaalkan lugu sheegay?
  • Sidee buu Ciise ugu ekaan ninki Yahuudiga ahaa oo la silciyey?
  • Ciise wuxuu diyaariyey wado kale oo Jannada loo maro oo ka ahayn tan lugu tilmaamay aayadda 27aad? Waa maxay waddadaas?

    SUAALAHA BISHAARADA: “Tag oo sidaas oo kale samee”, ayuu Ciise yiri – wuuna tagay taas oo kale ayuu isaga qudhiisana sameeyay. Haddii ay dadka dhamaantood kaa tagaan iyagoo waxba kaaga qabinin dhibaatooyinkaaga, Ciise sidaas kuuguma samaynayo. Dhinacaaga ayuu imminka taaganyahay wuxuuna doonayaa inuu kabo meesha qalbigaaga ka jabanyahay. Maxaad ugu jawaabi? (Qalbigaagaad kaga jawaabi kartaa.)
  • (Waa in qof walbo ka jawaabo): Waa maxay waxa ugu muhiimsan ee ka bartay casharkan intaad kuguda jirtay barashada casharkan?

    Version for printing    
    Downloads    
    Contact us    
    Webmaster