8. MARKA TAN UGU XUN DHACDO (Mark 5:21-24 IYO 35-43)
DULUCDA/TIXRAACA SHEEKADA: Hogaamiyaha sunagooga/macbudka Yahuudda waxaa laga dooran jiray dadka ugu sumcadda badan ee magaalada. Wadaadadii kale ee sunagooga way (macaaradayeen) ka soo horjeedeen Ciise waxaan ka ahayn Yayros. Ninkan wuxuu lahaa wiilkan keliya (Luukoos 8:42).
1. Bal qiyaas nolosha reerkan cardunka ah markuu u dhashay ilmo ay mudo badan sugayeen. (Siday labadii waalid u dhaqmeen markay ogaadeen in Ilmihii noqday gabar halkay ka sugayeen wiil? Maxay la rabeen gabadhooda mustaqbalka?)
2. Maxaa ku dhacay xiriirki labada waalid markuu ilmuhu ka xanuunsaday? Siyaabo badan uga fakkar.
Muxuu Yayros Ilaah ka malaystay markay gabadhiisi xanuunsatay kadib?
3. Muxuu Yayros u doonayay inuu gargaar waydiisto nin saaxibbadii iyo qaraabadiisa oo dhan aysan jecleen?
Siduu Ciise u arkay Yayros markan, markaad eegto sida uu u wajjahay (22-23)?
4. Bal qiyaas siduu aabaha noqday markuu akhbaarta xun maqlay (35)?
Haddii aad weligaa isku tiri wax Ciise laga daneeyo malaha, goormay dhacday?
5. Muxuu Ciise ugu yiri Yayros ha cabsanin inkastoo ay wax u xun ku dhaceen Yayros (36)?
Muxuu Yayros rumaystay xitaa markay gabadhiisi dhimatay kadib?
Muxuu Yayros samayn lahaa haddii uu Ciise rumaysan lahayn?
6. Maxaad aad aga cabsi qabtaa aduunyada/dunida? (Qalbigaagaad kaga jawaabi kartaa.)
Sidee baad u arki lahayd haddii Ciise kugu oran lahaa ha cabsanin adigoo dhibaato aad u wayn kula soo daristay?
Ciise wuxuu maanta kugu leeyahay: “Ha cabsanin iska rumayso.” Erayadan xaalkaaga hadda ah maxay kuu micnaynayaan?
7. Xaaski Yayros waxay aragtay ilmaheedi oo dhimanayo nikeedi oo maqan. Siday kula tahay inay maskaxdeeda noqotay markay aragtay Ciise iyo ninkeedi oo guriga soo galayo?
Tacsidi iyo xabaashi ayaa la isku dubabaridayay markuu Ciise imanayay guriga Yayros (38). Muxuu Ciise rabay inuu ku yiraahdo martida halkaas iskuugu timid sida ku xusan aayadda 39?
8. Akhri siduu Ciise aga soo sarakiciyay dhimashada gabadhan (41-43). Maxaad u aragtaa inay aad kuu xiiso gelinayaan?
9. Muxuu Ciise dadka ugu yiri qofna hausheegina mucjisadan, inkastoo ay xayeeysiin wanaagsan u ahaan lahayd shaqadiisa (43)?
10. Sameen nooce bay ku yeelatay nolosha gabadha? Siday u saamaysay mustaqbalkeeda?
Siday noloshi waalidkeeda isku baddashay dhacdadan ka dib?
Maxaad u malaynaysaa inay reerkan dareemeen markay maqleen in sheekadi dhimashada iyo sarakicidda gabadha la faafiyay?
SUAALAHA BISHAARADA: “Ha cabsanin, rumayso;” wuxuu Ciise kala jeeday: “Tan aniga igu dhaaf. Aniga ayaa ku filane.” Ciise hal arriin ayuu ka cabsi qabay, inuu ka go’a aabihiisa jannada illaa uu dhiig ka soo daato markuu joogay beertii geedsmane. Wuxuu halkaas inoogu muujiyay in waxa keliya aan ka cabsanno ay tahay inaan Ilaah ka fogaano Dhibaatooyinka kale oo dhan wuxuu inoogu baddali doonaa barako haddii aan isaa rumaysano.
Version for printing
Downloads
Contact us
Webmaster