9. DUMAR MABA SII AHA (Mark 5:25-34)
DULUCDA: Sida sharcigii Muuse ku qornayd dumarka waxaa loo arki nijaas markay dhiiga qabaan. Qofna looma ogalayn inuu jirkeeda taabto ama wax ay iyada taabato. Mana loo ogolayn inay macbudka gasho iyadoo dhiig kasocdo. (Laaw.15).
1. Naagtan waxay qiyaasti jirtay sodon ama afartan, waxayna jirradan ku dhacday iyadoo da’ yar. Maxaa dhib ah oo jirradan ay u keentay nolosha qoftan (25)? (Haddii la qabayna maxaa dhib ah bay jirradan u keentay?
Dhiiggan sida joogtada ah uga socday qoftan muxuu u keenay jirkeeda?
Jirrooyinka noocaas maxay dadka sharaftiisa u dhimi karaan?
2. Maxaad u malayn inay naagtan Ilaah ka malaysattay markay jirradan ku dhacday iyadoo da’ yar?
Siduu xiriirkeedi Ilaah u baddalmay intay cudurkan qabtay?
3. Aayadda 26aad waxay inoo sheegaysaa inay naagtan lacag haysatay. Bal qiyaas xaggey naagtan lacagtan ka keentay maxaana lacagtaas loogu talagalay markii hore?
4. Waxaan qiyaasi karnaa in dhakhaatiirtii dumarkii ee markaas joogay aysan aad takhasus ugu lahayn jirroyinkaas. Maxay naagtan inay bogsoota aad ugu baahnayd xitaa ay waxaasoo lacag ugu bixisay dhakaatiir (26aad)?
Siday naagtan dhaktar iyo kuwa lamid ahba intay xanuunsanayd?
Maxay ahayd waxay ku kala duwanaayeen Ciise iyo dhakhaatiirti kale (26-28)?
5. Siday naagtan oo dhib badan ka soo martay dhakhaatiir kala duwan u hubsatay in ay ku bagsoonayso taabashada marada Ciise (27-28)?
Ma u hubtaa sida naagtan in Ciise xallin karo dhibkaada ugu wayn? Waayo, muxuusan u xallin Karin?
6. Maxay naagtan u waydiisan wayse Ciise gargaar sida dadka kale oo dhan (28-29)?
Waa maxay sababta ay taabasho u dooratay inay tahay sida ay ku bagsoon karto?
7. Siduu Ciise ku ogaaday in qof taabtay maradiisa (30-31)?
Muxuu Ciise naagtan iskaga ogolaan waayay inay iska tagto isagoo aan la hadlin (30-32)?
8. Maxaad u malayn inay naagtan dareentay markay maqashay suaasha Ciise ee ku xusan aayadda 30aad?
Maxay naagta ku aragtay indhaha Ciise markuu intuu ku soo jeestay indhaha ka eegay (32)?
9. Naagta wax hadal ah Ciise kuma aysan oran haddana sheekada oo dhan way u sheegtay. Maxaad u malaynaysaa inay ku tiri (33)?
Weligaa Ciise ma ugu sheegatay erayo badan dhibaatada dhabta ah?
10. Aayadda 34aad waxaa loo turjumi karaa laba noocood: “Rumaysadkaagaa ku bogsiiyay.” Ama “Rumaysadkaagaa ku badbaadiyey.” Muxuu Ciise u rabay inuu erayadaas kula hadlo naagtaas?
Muxuu Ciise naagtan ugu yeeray gabadhiisa iyadoo ayaba dhici karto inay isku da’ ahaayeen (34)?
BISHAARADA: Ciise diiniyan ahaan wuu wasakhooway markuu dhigiissa ku daadanayay iskutalaabta korkeeda. Qof walboo isaga taabtayna wuxuu noqday waskh. Kan wuxuu ahaa qiimihi uu Ciise ku bixiyay inuu naagtaas badbaadiyo oo adigana kugu badbaadiyo.
Version for printing
Downloads
Contact us
Webmaster