GT Bible Studies    

    Somali    


Navigation Glad Tidings Bible Studies in Somali

10. EFATA FURMO (Mark 7:31-37)



DULUCDA/TIXRAACA: Ninka qoraalku ku wuxuu ahaa dhagool illaa yaraantiisi laga soo billaabo, waayo mauusan hadli Karin. Natiijadu waxay ahayd qofna lamuusan hadli Karin. (Waqtigaas si dhagoollada ay kuwada hadlaan oo la isla yaqaanay majirin.) Nabi Ishacyah ayaa ka sii hadlay 700 oo sano ka hore in Masiixu dhagoolka wax maqashiin doona kana aan hadli karinna ka hadalsiin doona (37, Ish. 3:5).

1. Bal qiyaas codadka aad maalinti maqli kartid. Maxay kula ahaan lahayd haddii aadan waxba maqli Karin ama aadan hadli Karin?

2. Bal qiyaas ninkan carruurnimadiisi. (Waalidkaas maxay ku samayn jireen si uu khatarta iskaga ilaaliyo ama uu u shaqaysto. Siduu isula muuqday isaga markuu noloshiisa fiiriyo?)

3. Bal isu barbardhig nolosha ninkan iyo tan kuwii la iskuda’aada ahaayeen markuu barbaaray kadib?
  • Waxaa suurta gal ah inuu ninkan marar badan booqday Sunagooga iyo macbudka. Intee in laeg buu ka fahansanaa Ilaaha aan la arkin?

    4. Maxay damacsanaayeen dadki ninka Ciise u keenayay? Siyaabo badan u fakar (31-32).
  • Haddii aad adiga ahaan lahayd qofka ninkan dhagoolka ah u keenayay Ciise sideed wax ugu sheegi lahayd?

    5. Muxuu Ciise ugu bogsiin waayay ninka sidi saxaxibbadii weydiisteen inuu u bogsiiyo (32-34)?
  • Muxuu ninkan uga maurmi waayay laakiin uu iskaga raacay nin Wadaad ah oo usan garanayn (33)?
  • Muxuu Ciise u doonayay in uu ninkan geeyo meel ka fog dadki badnaa (33)?

    6. Intee in laeg buu ninkan fahmay meedaarka Ciise eek u xusan aayadaha 33aad illaa iyo 34? (Ciise muxuu rabay inuu ninkan u sheego markuu taabanayay dhagahiisa iyo carabkiisa – isagoo samada eegayo oo aad u neeftuurayo intuusan ninka bogsiinin ka hor?)
  • Maxaad u malaynaysaa sababta uu Markos ugu qoray injiilkiisa bogsiinta ninkan luuqadda Aramaaiga (34)?

    7. Waa maxay waxyaabaha kuugu adkaynayo inaad maqashid waxa ay dadka kuu sheegayaan inkastoo laga yaabo inuu maqalkaada aad u fiicanyahay?
  • Ciise wuxuu taaganyahay hortaada imminkada isagoo kuugu leh “Efata Furmo!”. Muxuu ku wada markuu sidaas kuugu leeyahay – waa sidee wada hadalkaaga dadka kale? (Qalbigaagaad kaga jawaabi kartaa.)

    8. Sida caadada ah waxay caruurta ku qaadataa sadex sano inay bartaan waxa ugu muhiimsan ee luuqad walbo. Siday macquul ku noqotay inuu ninkan ku qabto akhbartaas oo dhan il-biriqsi (35)?

    9. Mucjiso walboo Ciise sameeyo waxay wax inooga sheegaysaa Janada. Maxaan ka baran karnaa dhacdadan?

    10. Maxay dadka uga hadlayeen mucjisadan xitaa hadduu Ciise ku yiri qofna hausheegina (36)?
  • Muxuu Ciise rabay inay dadka ka sheegaan isaga?
  • Maxay kula tahay: Ma wax tar bay kinisadda u tahay maanta inay mucjisooyinka ku xayeeysiiyai saxaafadda?

    BISHAARADA: Xiriirkii khaaska ahaa ee ka dhaxeeyay Ciise iyo aabihiis wuu burburay markuu ka soo laalaaday iskutalaabta, Ilaahna dhegihiisa wuu ka xirtay inuu maqlo oohintiisa. Ilaah wuxuu maqlaa keliya kuwa xaqqa ah, Ciisena wuxuu markaas ahaa kan ugu xun dembiileyaasha sabatuna maaysan ahayn dembi uu isaga geystay balse midkaan inaga geysannay. Aamusnaanta aan caadiga ahayn bay ahayd qiimihii uu Ciise ku bixiyay si uu u soo celiyo xiriika annaga dembiileyaasha ah iyo Ilaaheenna xaqqa ah.

    Version for printing    
    Downloads    
    Contact us    
    Webmaster