11. RUMAYSTA LABO QALBIILA AH (Mark 9:14-29)
DULUCDA/TIXRAACA: Qofka jinka ku dhacay waxaa loo yaqaanaa Jin Qabe. Tan waa ka duwantahay waallida maskaxda, qallalka iwm. Jinku kuma dhici karo qofka Ciise rumaysan oo lagu babtiisay magaciisa, maxaa Ruuxa Quduuska ayaaba ku dhexnool qalbigiisa. Sida uu Injiilka u qoray Lukos Ilmaha halkan ku xisan wuxuu ahaa madi. (Lukos 9: 38).
1. Bal qoyaas nolosha aabahan maalin walbo siduu wiilkiisa ugu dhacay jinka (17-18, 20-22). (Tix gali xiriirka aabahan uu lalahaa xaaskiisa, carruurtiisa dariskiisa iyo Ilaah. Muxuu aad aga cabsi qabay mustaqbalka reerkiisa? Muxuu isku dayay baad u malaynaysaa si uu wiilkiisa u caafimaado?)
Bal isu barbardhig nolosha wiilkan iyo tan kuwa iskudaadda ahaayeen (17-18, 20-22).
2. Maxay waxa ugu adkaanta badnaa aabahan sida ku xusan aayadaha 14-18?
3. Yuu Ciise ku waday dadka ma rumaystayaalka ah ee aadka u adag (19)?
Maxay u ahayd inuu Ciise u dulaqaadan waayo dadkan ma rumaystayaalka markaan eegno sida halkan ku xusan (19)?
Maxay kula tahay inuu Ciise ugu yeeri lahaa qarnigeennan haatan joogo?
4. Muxuu aabaha isaga iskuugu daray in isagana loo gargaaro uu u dhahay: “Noo naxariiso noo gargaar” (22b)?
5. Aayada 23aad Ciise wuxuu u muuqdaa inuu aabaha ka doonayo rumaysad aan la qiyaasi Karin. Muxuu sidaas u sameeyay?
Sideed dareemi lahayd haddii qof kaa codsan lahaa rumaysad dhamystiran adigoo marka horaba wareersanayd?
6. Muxuu aabahan rumaystay muxuuna ka shakiyay markuu baryadiisa ku ooyayay sida ku xusan aayada 24aad?
Maxaad adiga ahaan rumaysatay maxaana ka shakisay marki kuugu dambeysay oo aad Ciise ku oysay si uu kaaga dhibaatada kuwa aad jeceshahay?
7. Oohintiisa aabahan ma waxay cadayn u ahayd inuu rumaysade sax ahaa mise (24)? Sheeg sababta.
Goormaad u malaynaysaa inuu aabahan noqday rumaysadaha Ciise? Maxaa suurta gal ah?
8. Muxuu Ciise u cawiyay reerkan iyadoo ay aabaha iyo hooyadaba rumaystayaal ahayn (25)?
Yey rumaysadkiisa ku dhacday mucjisadan?
Rumaysad intee laeg baa lagaaga baahanyahay si uu Ciise uga gargaaro dhibaatada kuwa aad dhab u jeceshahay?
9. Waxaa macquul ah inuu aabaha u maleeyay in wiilkiisa dhintay markuu isagoo nuuxsanaynin dhulka jiifay (26). Muxuu xanuunkaas u maray intuusan Ciise caawinin kahor? (Muxuu aabaha ku guuldaraysan lahaa haddii Ciise uu ku caawin lahaa sida ugu degdegta badan?)
Muxuu Ciise inoogu eegtaa dhibaatooyinka oo uu mar dambe inooga soo gaaraa?
10. “Ciise intuu gacanta qabtay ayuu cagahiisa ku istaajiyay” (27). Qofka aad ka murugoonaysa qoraalkaas ku dhexdar. Aayada 27aad maxay adiga ahaan kuugu oronaysaa?
BISHAARADA: Xitaa markay dadka xunxun iyo jinka soo weerareen Ciise, wuxuu rumaysnaa awooda iyo jacaylka Aabahiisa Jannada ku jira. Rumaysadkiisa kaamilan awadiis inaga xitaa waxaan ka heli karnaa gargaar shaki walboo inagu jiro.
Version for printing
Downloads
Contact us
Webmaster