GT Bible Studies    

    Somali    


Navigation Glad Tidings Bible Studies in Somali

12. OOHINTI TUUGSADIHI INDHAHA LA’AA (Mark 10:46-52)



DULUCDA/TIXRAACA: Intaan hadda ognahay, Ciise wuxuu Yeerixo booqday hal mar keliya. Waxay dhacday safarkiisi ugu dambeeyay ee Yerusalem. Ciise wuxuu ahaa farcankii Dauud. Ilaah wuxuu boqorkan ka ballan qaaday in Wiilkiisa ku fariisan doona kursiga Israaiil weligiis (2 Sam.7:12-16). Roomankii, ka talinayay dalka waqtigan, maaysan u dulqaadin jirin qof boqorradi hore sheesheegayo iskabadaa kuwa hadda joogee. Ciise hal mar baa loogu yeeray wiilkii Daauud dhacdadan kahor markaasna waxaa ugu yeeray ajnabi (Mat. 15:22).

1. Hadii aad tuugsade ahaan lahayd, maxaad u malayn lahayd waxa kuugu adkaan badnaan lahaa?
  • Waa maxay farxadaha iyo murugooyinka ninkan tuugsadaha ah?

    2. Qofka indhoolaha ah muxuu ka baran karaa markuu maalin walbo wadada agteeda fadhiyo haddii uu wax sii fiican u maqlayo?
  • Sadexdi sano oo uu Ciise shaqada waday Bartimayos wuu maqlay in Ciise meelaha ka dhowyahay. Muxuu bogsiin ugu doonan waayay sida markuu Yerusalem tagi jiray si uu u guto waajibkiisa diineed oo u jirta 30 kilomitir meeshu Bartimayos?
    3. Maxaa ugu yaab badnaa Batimayos markuu ogaaday in Ciise magaaladiisa yimid (46)?
  • Muxuu Bartimayos qorshaystay markuu ugu dambayntii Ciise yimid Yerixo?

    4. Siduu Bartimayos ku ogaaday in Ciise yahay wiilkii Boqor Dauud (47)?
  • Muxuu Bartimayos uga cabsan waayay ciidamadi Roomanka, oo uu Ciise ugu salaamay sida boqor korsigiisa ku fadhiya (47)?

    5. Maxay dadka u doonayeen in ay dejiyaan Bartimayos? Dhinacyo badan ka eeg (48).
  • Muxuu hal qofna intuu gacanta Bartimayos gacanta qabto ugu gayn waayay Ciise (48)?

    6. Sidee buu Bartimayos u baddalay oohintiisi, muxuuna u baddalay? Isu barbardhig aayadaha 47aad iyo 48aad?
  • Siduu Ciise u arkay marki loogu yeeray boqor (49-51)?

    7. Siduu Bartimayos dareemay markay dadku ku yiraahdeen Ciise ayaa kuu yeerayaa (49-50)?
  • Bartimayos aad ayuu dadaali jiray maradiisa waayo joodari ayay u ahayd. Maxay ku dhacday in uu maradaas si degdeg aha ku tuuro (50)?

    8. Muxuu Ciise u waydiiyay Bartimayos suaashan (51)?
  • Ciise wuxuu ku waydiinayaa suaashaas oo kale imminka (51). Fadlan si daacad ah ugu jawaab. (Qalbigaad kaga jawaabi kartaa.)

    9. Siduu Ciise ku bogsiiyay indhaha ninkan (52)?
  • Aayada 52aad waxaa loo micnayn karaa labo siyaabood: “Rumaysadkaagaa ku bogsiiyay” ama “Rumaysadkaagaa ku badbadiyay.” Muxuu Ciise ugu yiri Bartimayos erayadan xaaladdan?

    10. Bartimayos wuxuuu Ciise u raacay illaa iyo Yerusalem (52b). Maalinti ku xigtay qof walbo wuxuu Ciise ugu yeerayay “Wiilkii Daauud” markuu caasimadda soo gelayay (11:9-10). Door intee laeg buu ka cayaaray Bartimayos xaaladdan?
  • Todobaad gudaheed, Bartimayos wuxuu arkay gargaarishiisi oo iskutalaaabta lugu qodbayo. Muxuu u maleeyay in ay tahay sababta Ciise loo dilayo?

    Version for printing    
    Downloads    
    Contact us    
    Webmaster