GT Bible Studies    

    Somali    


Navigation Glad Tidings Bible Studies in Somali

13. JACAYL MA GUUL DARAYSAN DOONO (Mark 14:1-9)



DULUCDA/TIXRAACA: Hogaamiyaha waa inuu wax ka sheegaa waxa ay aayadahan naga barayaan Maryantii reer Betaniya: Lukoos 10:38-42, Yoxana 11 iyo Yoxana 12:1-11. (Maryantan waa inaan loo malaynin Ciise hooyadii ama naagta ku xusan Lukoos 7:36-50). Waxaa iska cad in labadii waalid ee Marta, Maryan iyo Lasaros ay dhinteen. Waxaa macquul ah in lacag ay uga tageen gabdhahooda si ay u isticmaalaan marka la guursado ama ay waayeelloowaan. Todobaadki ugu dambeeyay ee Ciise noloshiisa aduunyada ayaa billaabanayay.

1. Maxaad saaxibkaa hadiyad ahaan ugu geyn lahayd haddii aad ogaani lahayd in uu dhimanayo?
  • Ciise wuxuu halkan kaga hadlayaa aaskiisa (1-2, 8)? Ma kula tahay in Maryan ay uga aqoon badnayd xerta dhimashada Ciise in ay goor dhow dhacayso? Sheeg sababta.

    2. Dhalo barafuun ah waxay joogtay qiimo la mid ah mushaarka qofka ugu mushar badan sanadki (3). Waa sababtaas waxa loo isticmaalayo hal dhibic markiiba. Dhaladaas meeqay maanta ku ahaan lahayd lacagteenna?
  • Qofku meeqay ku qaadataa inuu keydiyo mushaarka sanad oo kale?
  • Maryan markeey soo gaday cadarkii qaaliga ahaa maxaay kaga fakireeysay meherkeedii?

    3. Maxaay maryan ugu shubtay dhamaan waxii ku jiray garaafaha madaxa ciise mesheey kaga shubi laheed wax yar uun ?
  • Erayada Masiixa iyo Ciise waxaa laga wadaa kii la caleemo saaray, inta badan boqoradii yahuuda waa la caleemi saari jiray biloowga shaqo-biloowgooda. Maxaa lakiin ciise loo caleemo saari waayay oo uun u dhacday duuugoodii.

    4. Maryan keydkeedi oo dhan waxay ku gaday dhalo barafuun. Waa maxay dacyadda aadka ugu darnayd ay kala kulmi kartay dadkad (4-5)?
  • Sidee buu mushaarkaas sanadka u caawin lahaa masaakiinta magaalada (5)? Dhinacyo badan ka eeg.

    5. Sidee buu Ciise u difaacay maryan?
  • Ma u maleeneeysaa inuu Ciise kugu dhihi lahaa waxuu ku yiri maryan ayada iya asgu waxuu awoodo?
  • Laga bilaabo hadda maxaad u qabaneeysaa Ciise?

    6. Maxaa camal ahaan ka dhaxeeyay ciise iyo maryan markaad fiiriso iskutalaabta iyo ayada 9 ee kitaabka quduska ah?
  • teebaa khasaaro weeyneed beey kula tahay inaay maryan ku shubto cadarkeedii qaaliga aheed ciise iyo inuu ciise ku shubo dhigiisa maryan?

    7. maxaay tahay waxa cajaa ib ka ah arinta maryan ee waligeed la hilmaameen?
  • maxaad jeclaan laheed in lagugu xasuusto markaad dhimato?

    8. Sideey beey u dareentay baad u malaneeysaa maryan lacagteey ku khasaarisay ciise?
  • Sideey bay ku baratay maryan inaay ciise jeclaato?
  • Sideen baa ku baran karnaa inaanu u jeclaano ciise sidaay maryan u jeclaatay?

    BISHAARDA:Waxaay maariyad ku jeclaatay ciise dhageeyso waay u adeegtay oo waqtigii la rabay.waxaayna isla markiiba aamintay cafiska danbiyadeeda imaankeeduna waxuu gaarsiiyay heer aay hurto wax walba rabiga. Waxaayna aheed Ciise mid uu qaatay malin walba markuu uu dhulka ku dul socdayay maalmihii ugu danbeeysay

    Version for printing    
    Downloads    
    Contact us    
    Webmaster