GT Bible Studies    

    Somali    


Navigation Glad Tidings Bible Studies in Somali

14. JEES JEES AYAA LOO XUKUMAY CIISE (Mark 15:1-15)



TIXRAACA/ Waxaa jiraan su’aalo badan oo aadan kaga jawaabi Karin halsaac. ka dooro labo ilaa iyo sadex qof wada haddalkaada sidoo kale u kala qeeybi labo kooxood. Koox walbana waxay noqoni mid ama labo kadibna waxay la qaybsanayaan kuwa kale.

1. BONTIYOS BILAATOOS
Wuxuu ahaa taliyihii Yahuudiya 26-36 sano dhalashadi Ciise Masiix kadib, wuxuu matalayay xoogaggii Roomaanki wuxuuna xukun hoostegayay boqorkii la oran jiray Tibeeriyos. Bilaatoos ma uusan doonayn in boqorku maqlo oo ah in Yahuudu macaaradoowayaan. Haddaba goaanka isaga ayaa lahaa inuu qof ku xukumo dhimasho ama uu iska daayo.

Aayadaha 1-15
  • Maxaad ka fahmi kartaa Bilaatoos waxa uu yahay iyo waxa uu qiimiiyo?
  • Maxaad ka malaysan kartaa Xaakin dadka waydiinayo sida kuwa ku qoran aayadaha 12 illaa 14, marka la hor taaganyahay?
  • Muxuu Bilaatoos awoodiisa u isticmaali waayay intuu kuwa kale goaanka u dhiibayay?
  • Maxay kula tahay in Bilaatoos Ciise u maleeyay? (Muxuu Ciise labo mar ugu yeeray “Boqorka Yahuudda” aayadaha 9 illaa iyo 12.) ?
  • Labadan nin isu barbardhig: taliyihii Romaanka iyo Boqorka Yahuudda. Waa maxay waxa ay ku kala duwanyihiin xaaladdan iyada ah?
  • Yaa ugu dambayntii dhameeyay dacwadan sharciga ah?
  • Sidey kula tahay in Bilaatoos dareemay markuu Ciise ku xukumay in la garaaco oo iskutalaabta lagu qodbo (15)?
  • Siday kula tahay in Bilaatoos damiirkiisi ahaa noloshi inti ka harsanayd oo dhan?
  • Haddii aad ku dhex jiri lahayd kabaha Bilaatos subaxaas, sideed xaaladdan u xalin lahayd?

    2. BARABBAS
    Dilaa iyo hogaamiye siyaasadeed oo macaarad ahaa, magaciisa wuxuu ka dhiganyahay wiilkii aabaha.

    Aayadaha 6-15
  • Bal qiyaas carruurnimadi, dhalinyaronimadi iyo ninnimadi ninkan. Maxaa Barabaas ku khasbay inuu noqdo siiyaasi iyo dilaaba?
  • Haddii xaaladaada ay ka badalnaan lahayd, ma u malayn inaad adugu qudhaada aad dilaa noqon lahayd? Sabab?
  • Muxuu Barabaas ku fakarayay markay soo dhowaatay maalinti la xukumi lahaa? (Ma kula tahay inuu inaba shallaayay?)
  • Ma u malaynaysaa in Barabaas u tegay si uu u soo arko midka la qodbay intuu isaga is arki lahaa?
  • Sidee baan inagoo Barabaas ugu ekaan karnaa marka Ciise noola fiiriyo?

    3. WADAADKII SARE
    Sida caadada ahayd waxaa jiri jiray hal wadaad sare laakiin halkan waxaa jireen labo. Kayfaas wadaadki sare ee rasmiga ahaa sanadadii 18-36 dhalashadii Ciise Masiix kadib iyo soddogiis Anaas, kasoo hore jagada u soo hayn jiray. Anaas wuxuu dadka u isticmaali jiray wiilka uu soddaga u yahay.

    Aayadaha 1-15
  • Maxay kula tahay in wadaadada sare ay aad u qiimayn jireen nolol ahaan?
  • Maxay Kayfaas iyo Anaas nacab ugu ahaayeen Ciise?
  • Maxay wadaadada sare u garan waayeen waxa niyadooda ku jira?
  • Dembigee aad kuula xumaa: Dilalkii sharciga ahaa ay wadaadada sare gaeysyteen mise dilalkii uu Barabaas geystay intuu macaaradka ahaa?
  • Maxaa ka dhigi karaa qof diinta ku adag inuu qalab shaydaanku ku adeegta noqda?
  • Ma kula inaad la mid tahay wadaadadi sare innaba? Haddii ay jirto waa side?

    4. DADKII BADNAA
    Waxay ku qaylinayeen “Hosaanna” iyagoo Ciise ku wada axadi ka horeysay. Hadda waxay ku qaylinayeen: “Daldala!” waxaa hubaal in dad badan oo uu Ciise caawiyay.

    Aayadaha 8-15
  • Maxay dadka badanakood u doonayeen in dilaa khatar ah la sii daayo?
  • Sidee dadka looga dhaadhacsiiyay in ay kasoo horjeestaan gargaarahoodi? (Maxaa loo waayay xitaa hal qof oo Ciise u istaaga amaba ka horimaada dadka waxa ay sheegayeen?)
  • Maxaad samayn lahayd haddii aad subaxaas halkaas joogi lahayd?
  • Ma u malaynaysaa tan oo kale in ay ka dhici karto dhalkeenna maanta? Sheeg Sababahaaga
  • Qoraalkan muxuu inaga barayaa dhinaca san iyo dhinaca xun ee demuqraadiyadda?

    5. CIISE
    Wuxuu ku hadlay hale ray intay dhcawada socotay (2). Haddii kalena wuu aamusnaa.

    Aayadaha 1-15
  • Ilaa waqtigan Ciise wuu diiddanaa in loogu yeero magac kale oon ka ahayn “Wiilka Aadanaha.” Laakiin muxuu markan u ogaaladay (2)?
  • Muxuu Ciise isku difaaci kartaa?
  • Isu barbardhig Ciise iyo dadka kale ee qoraalkan ku xusan. Siduu oga duwan yahay iyaga? (Waa maxay waxa Ciise dadka ku soo jiidanayo, marka xaaladiisa la eego?)
  • Sidee buu Ciise u arkay dhiig cabayaalka ku wareegsanaa?
  • Yaa dacwadi Ciise ugu dambeyntii dhameeyay: Bilaatos, Ilaah ama Shaydaan?

    Version for printing    
    Downloads    
    Contact us    
    Webmaster