15. CIISE WUXUU LA KULMAY LABO [GAANGEESTAR] BURCAD (Lukoos 23:32-43)
DULUCDA/TIXRAACA: Boqortooyadii Roomanka, Saliibka waxaa loo isticmaali jiray dembiyada ugu xunxun. Marka halkan waxaan ka qiyaasan karnaa in labadan nin ay ahayeen labo tuug oo dadka u dilo jiray lacag aawadeed. Masiix ama Kiristos wuxuu ahaa magici ay Yahuudda sugayeen tan iyo axdigii hore.
1. Qof ku dilo dadka gacantiisa ama carbkiisa ma faraxsanaani karaa?
Maxay dhalinyaro badan oo maanta jooga u jecelyihiin inay dagaal iyo rabsho abaabulaan?
2. Bal ka fikir sababta labadan nin ku kaliftay inay wax boobaan iyagoo dhalinyar ah?
Yay kula tahay inuu caawin kari lahaa labadan intayan arriintooda heerkaas gaarin?
Ma badali kartaa dhaqankaaga markaad ogaatid inay adiga iyo dadka kaleba dhibayso?
3. Labadan waxay qof walbo oo kale uga aqoon badanyihiin dhaqanka Ciise. Maxaa dhaqanka Ciise ka mid ahaa oo nimankan aad u cajab geliyay? (34-38)?
Muxuu Ciise ugu difaacayay aabihiisa jannada ku jiro kuwi isaga xasuuqayay (34)?
Ma ugu ducayn cadowgaaga ugu xun: “Eebow cafi waayo ma garanayo sida xun ee iila dhaqmayo?” (34)
4. Qoraalka ka eeg waxa dadkii badnaa, taliyayaashi, askartii Roomanka iyo tuuggii midkood ugu qaylinayeen Ciise (34b-39)?
Maxay dadkan ugu jeesjeesayeen Ciise? (35-39)?
Maxaa loogu oo ka mid ahaa Ciise saaxibbadiis inuu isaga u istaago oo uu difaaco?
Adiga ahaantaada maxaad samayn lahayd haddii aad joogi lahayd halkaas?
5. Maxaa ka keenay labadii tuug midkood inay ka dhaadhacdo in Ciise yahay boqor uuna leeyahay boqortooyo u gaar ah (37-38, 42)?
Bal isu barbardhig Ciise oo iskutalaabta saran iyo boqorrada kale ee dunidan?. Maxay aad ugu kala duwanyihiin?
Maxaa ka keenay mid labadii tuug ka mid ah in ay ka dhaadhacdo in Ciise ahayn keliya boqor balse uu Ilaah yahay (40-41)?
6. Dembiileyaasha ma qirtaan dembiyadooda siday u badanyihiin. Muxuu labadii gaangestar midkood u qirtay in ciqaabta saxda ee dembigiisu tahay dil (41)?
Muxuu gaangestarkii kale u qiran waayay dembigiisa xitaa isagoo ku sugan xaaladaas?
Labadan (gaangestar) burcad kee baad si wanaagsan u fahantay: Ma kan dembigiisa qirtay mise kan inkiray?
7. Aayadda 42aad waxa ku xusan baryo gaaban: “Isoo xasuuso!” Maxay inaga aadanaha ah muhiim inoogu tahay inuu qof ina jecel ina soo xasuusto xitaa markaan dhibaato xun ku sugannahay?
Muxuu gaangestarkan u waydiisan waayay in si toos loogu ogolaado inuu galo boqortooyada Ciise?
8. Maxay kula tahay inuu dembiilahan malaystay markuu maqlay jawaabta Ciise uu siiyay (43)?
Muxuu Ciise ugu ogolaaday Jannada nin dilaa ah?
Goormuu ninkan dembiilaha ah rumaystay Ciise? Sheeg aayadda.
9. Bal qiyaas nolosha ninkan saacadihi ugu dambeeyay ee uu Ciise rumaystay. Miyuu faraxsanaa mise wuu murugaysnaa?
Waxaa suurta gal ah in hooyadii naagtiisa ama cunungiisa uu joogay iskutalaabta hoosteeda. Ninkan xasuus nooce buu reerkiisa kaga tagay?
Ninkan xasuus noocee buu kaga tagay qarniyada sheekadiisa Kitaabka ka akhrinaya?
10. SUAALAHA BISHAARADA: Albaabadii Jannada waxaa loo furay nin Burcad ah, laakiin Ciise wuxuu ka galay albaabkii naarta. Ma rabtaa inaad u barida siduu ninkan u baryay: “Ciisow I xasuuso” haddii aad ku baradid wuxuu ku siinayaa jawaabti oo kale: “Maalin baad jannada ila joogi doontaa.” (Qalbigaagaad kaga jawaabi kartaa.)
(Waa in qof walbo ka jawaabo): Waa maxay ugu muhiimsan ee aa baratay intaad kuguda jirtay barashada casharkan?
Version for printing
Downloads
Contact us
Webmaster