GT Bible Studies    

    Somali    


Navigation Glad Tidings Bible Studies in Somali

16. SARAKICIDDII LA RUMAYSAN KARI WAAYAY (Mark 16:1-8)



TIXRAACA: Sida sheeko hore ku qoran, Markos wuxuu ahaa turjubaanka Butros; injiilkiisana wuxuu ahaa injiilki Ciise siduu butros u arkay. Waxaa aadka looga hadlay injiilkan waa xerta rumaysad la’aantooda. Ciise wuu sii shegay inuu dhimanayo oo uu soo sarakacayo sadex mar, laakiin xerti way rumaysan waayeen. Ogow jirka Ciise waa la subkay maalintuu dhintayba.

1. Maxay naagihii reer Galiile ugu adkaysteen inay booqdaan qabriga, iyadoo xitaa ay ogaayeen in dhagaxi la qaaday oo askarti wardiyeynayeen u sheegeen in Ciise maqanyahay (1-3)?

2. Naagaha waxay marag jirkan Ciise oo laba maalmood ka hor la subkayay. Maxay u doonayeen inay mar kale subkaan?
  • Ma kula inaad taaban lahayd jirka qof aad jeceshahay oo xaaladaas oo kale ku sugan?
  • Yoxaana keliya ayaa marag ka ahaa dhimashada Ciise waayo kuwi kale way ka qaxeen goobta. Maxay hadda u iman waayeen qabriga hogaamaiyahooda? (Ma kula tahay in ay ku kala duwan yihiin dumarka iyo ragga xaalddan? Haddii ay jirto waa maxay?)

    3. Haddii ay naagahan rumaysnaayeen in Ciise soo sarakacayo siduu horaba u sheegay siday kula tahay inay u dhaqmi lahayeen subaxaas axadda ah (1-4)?

    4. Maxay naagaha u malaysteen markay maqleen erayada malaa’igta (6-7)?
  • Maxay naagaha aad aga cabsi qabeen (8)?

    5. Goormuu Ciise u doortay inay naago noqdaan markhaatiyaalkiisa koowaad ee sarakaca, inkastoo waayadaas aan loo ogolayn in dumarka markhaatiyaal ka noqdaan maxkamadaha (7, 10)?

    6. Goormay iyo siday naagahan rumaysadka sarakicidda Ciise qalbiyadooda galay?

    7. Butros wuxuu inkiray Ciise labo maalmood ka hor. Siduu u arkay markuu Ciise u soo diray salaam gaar ahaanayd (7)?

    8. Wax ma jiraan noloshaada kugu adag ama ah sida calaacashaadoo timo ka soo baxaan? Is there anything in your life that seems as impossible to you as a corpse rising again? (Qalbigaagaad kaga jawaabi kartaa.)

  • Sideed ugu jawaabi lahayd haddii Ciise kugu canaanan lahaa rumaysad la’aantaada sida xertiisa oo kale ee aayadda 14?

    9. Maxay ku kala duwan yihiin sarakicidda jirka oo lagu barto masiixiyadda kale iyo noolaanshaha naafta oo diimaha badankooda?

    10. Haddii aysan jirin sarakicidda jirka, maxay masiixiyadda u soo bandhigi lahayd aadanaha?
  • Haduu qof rumaysto wax baridda masiixiyadda oo dhan laakiin uu inkiro sarakicidda jirka. Maxaanan ugu yeeri Karin qofkaas masiixi?

    BISHAARADA: Marka ugu dambaynti xerti rumaysteen in Ciise soo sarakacay jir ahaan, waxay noqdeen markhaatiyaalkiisa meelo badan. Badankood waxay ku dhiinteen shahiidnimo iyagoo ku adkaystay rumaysadkooda. Waxay ogaayeen in Ciise la jirayo weligood aduunkan iyo aakhiraba.

    Version for printing    
    Downloads    
    Contact us    
    Webmaster