17. CIISE WUXUU LA KULMAY XER SHAKIYAY (Yoxana 20:19-29)
DULUCDA/TIXRAACA: Toomas wuxuu ka mid ahaa labo iyo tobankii xerta ahaa ee Ciise. Waxaa macquul ah inuu mataan lahaa waayo magaciisuba waa Mataan.
1. Qof aadana ah ma kula noolaan farxad dunidan korkeeda isagoo aan rumaysnayn in jirkiisa ka soo sarkici doona xabaasha?
Waa maxay waxyaabaha wanaagsan ee Toomaas? Iyo waxyaabihiisa xunxun?
Muxuu Ciise aga dhigtay ninkan oo kale xertiisa?
2. Maxay xertiisa ka malaysteen Ciise subixi iyo maalinti axadda ee Istarta?
Maxay xerta u rumaysan waayeen sarakicidda Ciise?
Bal qiyaas halkuu Toomaas ku maqnaa galabki axadda waayo ma uusan la joogin 10kii xer oo kale? (24)?
Muxuu Ciisihii soo sarakacay ugu salaamay xertiisa: “Nabad Ha idinla jirto” (21, 26)?
3. Sarakicidda waxaa sii sheegay Nabiyadii axdigii hore iyo Ciise qudhiisa. Hadda tobankii saaxib ee Toomaas way u sheegeen inay Ciise ku arkeen indhahooda, muxuu Toomaas u rumaysan sarakicidda Ciise xitaa marki xerta dhan u wada sheegeen (25a)?
Haddii Toomaas ahaan lahayd ma kula tahay inaad Sarakicidda rumaysan lahayd? Sheeg sababahaaga.
4. Siday kula tahay inuu Toomaas dareemay todobaadki ay saaxibbadiis damaashaadayeen?
Maxaa Toomaas ku khasbay inuu saaxibbadii la jooga todobaadkaas oo uusan aga tagin?
Maxaa ku dhici kari lahaa Toomaas haduu ka tagi lahaa xerta waqtigaas?
Maxaa nugu dhici karaa haadii aan ka tagno kooxda kooxda Masiixiyiinta markaan ka shakinnaba masiixiyadda?
5. Muxuu Toomaas u rabay inuu taabto Ciise intuusan sarakicidda rumaysan ka hor (25b)?
Siday kula tahay inuu Toomaas dareemay markuu Ciise si toos ula hadlay (25-27)?
6. Maxaa cadaynaysaa in Ciise uusan ahayn ruux ama reer aakharaad (27)?
Ma kula tahay in Toomaas dhab ahaan u taabtay gacmaha Ciise iyo dhinaciisaba?
7. Toomaas wuxuu ahaa qofki ugu horreeyay ee Ciise ugu yeera Ilaah, keliya ugumuusan yeerin wiilka Ilaah (28). Maxay Masiixiyiinta dhan ee dunida u aaminsan yihiin in Ciise yahay Ilaah?
8. Yuu Ciise la hadlayaa aayadda 29aad?
Maxay muhiim u tahay inaan rumaysanno gargaarka Ilaah intaadan dhab u arkin ka hor?
9. Sida ku qoran halkan siduu Ciise u tixgelinayaa qof rabo inuu rumaysto laakiin aan Karin?
Maxaad ugu jawaabi haduu qof kugu yiraahdo: “Waan rumaysanahay Ciise laakiin ma rumaysni sarakiciddiisa jirka”?
Maxay Masiixiyadda u baaba’aysaa haddii aan dadka lugu barin sarakicidda jirka ee Ciise?
10. SUAALAHA BISHAARADA: Toomaas wuxuu Ciise ku yiri: “Rabbigaygow Ilaahaygow!” sidaas oo kale ma u qiran kartaa maanta? (Qalbigaagaad kaga jawaabi kartaa.)
Waa in qof walbo ka jawaabo: Waa maxay waxa ugu muhiimsan ee aad baratay intaad kuguda jirtay barashada casharkan?
Version for printing
Downloads
Contact us
Webmaster