Buug gacmeedka bishaarada barashada Kitaabka Quduuska (ee loogu talagalay Afrika)
Print all lessons
© 2009 Glad Tidings Bible Studies in Somali - www.gladtidings-bs.com
1. CIISE WUXUU LA KULMAY ADEEGE AAN DAACAD AHAYN (Matt. 9:9-14)
DULUCDA/TIXRAACA SHEEKADA: Wax wada cunidda waxay astaan saaxibtinimo u ahayd Yahuudii waqtigii Ciise jirtay. Dadka diinta way yasi jireen Canshuur qaadayaasha, maxaa yeelay canshuurta waxay u guri jireen ciidamadii Roomanka. (MONGOLIA. Waxay ahaayeen sidaas oo kale waxayna jireen dhinaca shiinaha markuu shiinaha u talinayay.) canshuur qaadayaasha waxay lacag dheeraad ah ka qaadi jireen kuwa canshuurta bixiya koolkaasay jeebkooda ku shuban jireen. Mataayos waa la baray tobanka amar ee- ku qoran Kitaabka Quduuska ah sida: Ha xadin! Faarasi wuxuu ahaa hogaamiye diineed.
1. Qof ma faraxsanaani karaa haddii uu lacag badan oo uu ku raaxaysto haysan?
Bal qiyaas noloshii Matayos, canshuur qaadihii. (Waxyaa behee noloshiisa aan fiicneyn inkastoo xataa uu ahaa mid lacag badan qaadanayey?
Matayos muxuu ka malaysanayey Ilaah iyo ammarradiisa markuu qabanayay shaqada canshuur qaadista?
Maxay caadi u tahay in maanta dad badan qaadanayaan lacag iyo waxyaabo kale oo aysan iyaga lahayn?
2. Muxuu Matayos ka filayay in Ciise ku oran doono markuu xafiiskiisa soo galay?
Ciise muxuu Matayos u waydiin waayay: “Ma jeclaan lahayd inaad noqotid xerteyda?”
Muxuu Matayos u maleeyay markuu ku yiri hogaamiye diineedkii caanka ahaa ku soo biir kooxdayda?
Muxuu Ciise u doonayay in mid cashuur qaade ah ka mid noqdo xertiisa inkastoo uu ogaa in lugu dacaayadayn doono?
3. Asxaabtiisi maxay u maleeyeen markay arkeen Matayos oo shaqadiisi si dagdag ah uga soo tagay isagoo xitaa miiskiisi aan nadiifin?
Maxaa Matayos ku dhiiri geliyay in uu ka soo tago shaqadiisi wanaagsanayd iyo dakhligiisi joogtada ahaa?
4. Marka laga reebo wixi ka lumay, Matayos muxuu ka helay raacitaanka Ciise?
Sidee noloshi gurigiisa Matayos u baddalmatay markuu isagoo ah aabihi guriga rumaystay Ciise?
Muxuu Matayos u doonayay inuu xaflad casho isku dubbarido uuna casuumo Ciise iyo asxaabtiisi hore ?
5. Waa kuwee dadka bulshadeenna ka mid ah oo dadka wan wanaagsan aysan doonaynin inay isku dhex daraan (11)?
Ciise muxuu u doonayay inuu isku daro dadka oo dhan?
6. Maxay Faarisiinta Ciise ugu dacaayadayn waayeen hortiisa intay xertiisa ku dacayadaynayeen (11)?
7. Ciise aayadahan muxuu ka waday 12-13?
Kuweed labadan kooxood ka tirsantahay: kuwa xaqqa ahaa mise kuwa dembiileyaasha? (Waad iskiiga jawaabi kartaa qalbigaaga gudihiisa.)
8. Mar dambe Matayos xitaa wuxuu qoray taariikh nololeedka Ciise: Injiilka siduu Matayos u qoray. Ma u malaynaysaa inuu ka shallaayay tegitaankiisi uu ka soo tagay wax walbo oo uu soo raacay Ciise? Sheeg sababahaaga.
9. SUAALAHA BISHAARADA: Ciise wuxuu iminka kugu leeyahay labadan waxyaabood: “Isoo raac!” iyo “Uma aanan iman inaan macsuumo kuwa xaqqa ah laakiinse waxaan u imid dembiileyaasha.” Maxaad ugu jawaabaysaa isaga?
(Waa inuu qof walbo ka jawaabo): Waa maxay waxa ugu muhiimsan ee aad ka baratay intaan kuguda jirnay casharkan?
© 2009 Glad Tidings Bible Studies in Somali - www.gladtidings-bs.com
2. CIISE WUXUU LA KULMAY NIN BUKKA- OO RAJO LA’AAN AH (Mark 2:1-12)
DULUCDA/TIXRAACA SHEEKADA: Waqtiga Ciise guryaha waxay lahaayeen saqaf fidsan kasoo laga sameeyay shamiindo iyo jilay. Guriga dhinaciisa waxaa ku taallay jaranjar ilaa saqafka gaaraysay. Qofku wuxuu Baralays noqdaa markuu gaboobo, dhexaad gaaro ama uu cudurka maskaxda ku dhaco. Qofka Baralayska ah ma hadli karo mana socon karo. Wiilka Aadanaha waa magac uu Ciise isaga isu isticmaalay.
1. Ma u malaynaysaa qof inuu faraxsanaan karo haddii uu sariirta ka kici kari la’yahay uuna hadli –karin amaba socon Karin?
Qofkan muxuu u baahnaan karaa maalin walbo?
Bal qiyaas nolosha qofka kor joogaha u ahaa ninkan maalin walbo.
2. Yahuudda oo dhan Ilaah way rumaysnaayeen waqtigaas. Muxuu -nikan curyaanka- ah u malaynayey Ilaah ama Iimaankiisa kadib markuu curyaanka noqday?
3. Waxaan aayadda 5aad ka arki karnaa in ninkan ka dembaabay xagga damiirka. Waa dembiyo noocee dembiyada qof geli karoo isagoo xitaa aan socon Karin ama hadli karin?
Waa maxay fikradaada: xanuunka iyo jirrada ma waxay noo baddalaan wax xun mise wax san haddii aan aadana nahay?
4. Maxaa waaye dhibaatooyinka lagala kulmi –karo- qof curyaan ah in busto lugu qaado magaalada gudaheeda?
Maxay dadka kale intay dibadda u soo baxaan ugu ogolaan waayeen in ninkan Ciise loo geeyo –ninkii curyaanka ahaa (4)?
Maxay afartiisi saaxib u noqon waayeen oo guryahooda u aadi waayeen markay ogaadeen in ay suurta gal ahayn in illinka laga galo ?
5. Maxay afartan nin u ahaayeen ninka curyaanka ah? Ka fikir wax kastood u malayn kartid. (3).
Maxaa loo baahnaa marka ninkan curyaanka ah la gaarsiinayay saqafka? (Eeg dulucda sheekada ee guriga ku saabsan.)
Qalab noocee loo baahnaa marka saqafka la jebinayay? Xaggey afartan nin qalabkaas ka heleen?
Dadki gudaha ku jiray maxay isku oranayeen marki saqafka la jebinayay?
6. Afarti nin waxay saaxibkood Ciise ugu keenayn si loo bogsiiyo. Muxuu Ciise dembiga ugu cafiyay marka hore (5)?
Muxuu Ciise sidan u sameeyay: Marka hore inuu dembiyada cafiyo kadibne jirrada bogsiiyo?
Sidee buu ninkii curyaanka ahaa u arkay in dembiyadiisa hore uu u sameeyay – oo - dhan la cafiyay?
7. Bal qiyaas intaad Ciise u tagtay si uu dhibaatadaada ugu wayn u xaliyo. Maxaad u malayn lahayd haddii uu kugu jawaabo: “Inankaygiyow/ inantaydiyay, dembiyadaada waa la cafiyay.” Ma caroon lahayd mise waad farxi lahayd?
Haddii aad kala dooran lahayd, mideed qaadan lahayd: Ma damiir wanaagsan mise xal aad u heshid dhibaatadaada ugu wayn?
Siday aragtadi curyaanka uu ka qabay jirrada u baddalmatay markuu ogaaday inuu Jannada tagi doono ugu dambaynta?
8. Aayadda (5) 5aad Ciise kagama uusan hadlin rumaysadka ninka curyaanka ah laakiinse wuxuu ka hadlay kan saaxibbadiis. Waxaa iska cad ninkaas inuusan rumaysad lahayn intuusan Ciise la kulmin ka hor. Ka soo saar aayadda meeshaad u malaynaysid inuu rumaysadkiisa ku (billowday) bilowday ?
Maxay macalimiintii sharciga u rumaysan waayeen in Ciise dembiyada dadka cafin karayo (7-8)?
9. Ka jawaab su’aasha Ciise ee aayadda 9aad.
Maxay ku qaadatay Ciise inuu ninkan bogsiiyo? Maxay sidoo kale ku qaadatay inuu dembiyadiisa cafiyo?
Maxaad ka malaysan lahayd Ciise haddii indhahaaga markhaati ka ahaan lahaayeen waxa lugu tilmaamay aayadaha 10-12?
10. (SUAALAHA) SU’AALAHA BISHAARADA: Haddii uu qalbigaaga ku ashtakaynayo wax xumaan ah oo aad sameesay, dhegayso wuxuu Ciise kugu leeyahay: “Wiilkaygiyow/gabadhaydiyay dembigaaga waa la cafiyay” Si uu u oofiyo ballanqaadkiisa Ciise wuxuu cid walbo ugu dhintay iskutalaabta… Ballanqaadkiisa muxuu kula yahay maanta? Adiga ayaa is og (Kaga jawaab qalbigaaga.)
(Waa inuu qof walbo ka jawaabo): Waa maxay waxa ugu muhiimsan ee aad ka baratay intaan kuguda jirnay barashada casharkan?
© 2009 Glad Tidings Bible Studies in Somali - www.gladtidings-bs.com
3. CIISE WUXUU LA KULMAY NAAG DHILLO AH (Lukoos 7:36-50)
DULUCDA/TIXRAACA SHEEKADA: Aayadaha 44-46 waxay tilmaamayaan sida marti sharafka loo soo dhowayn jiray waqtigi Ciise. Dadka waxay cunteen jireen iyagoo (faloorka) sagxadda dhulka ku fadhiyo sidaas aawadeed dadka cagahooda waxay cuntada nacsiin jireen dadka kale. dhaqanka Yahuuda lagama ogolayn In naag tinteeda ku qaawiso rag aysan garanaynin. Faarisi waa qof Ilaahay dhab u rumaysan. Simcon (maaha) ma’aha kii ka tirsanaa laba iyo tobankii (xer) xerta ee Ciise.
1. Aragtidaada ma kula tahay in naag dhilo ah nolol farxad ku noolaan karto. Maxay tahay sababta
Dadka magaalada oo dhan way garanayeen naagtan jirkeeda ka ganacsan jirtay. Bal qiyaas maxaa naagtan ku khasbay inay jirkeeda ka ganacsato?
2. Maxaa aad ugu qiimo badnaa Simcoonkii Farisiga ahaa?
Simcon muxuu shaqaalihiisa ugu yeeri waayay si uu cagaha ugu dhaqo Ciise waayo isagaa macsuumaye? (36, 44-46)
Maxay kula tahay waxyaabihii uu Simcon damacsanaa markuu Ciise ku casuumayay cashada? Bal gedgedi arriintaas (36).
3. Siday naagtan guriga Simcon ku soo gashay xitaa qolka cuntada? Siyaabo badan u fiiri.
Dhalo wayn oo barafuun ah aad bay qaali u ahayd. Naagtan siday ku heshay dhaladaas, ama ujeedaday u soo gadday markii horeyba ?
4. Maxay naagtan aad ugu rabtay inay Ciise la kulanto ilaa ay ugu tagtay wadaad gurigiis, iyadoo og in lugu jesjeesayo?
Waqtigaas wadaadada diinta ma aysan jeclaan jirin inay isku dhex daraan dembiileyaasha. Maxaa naagtan rajo geliyay oo ay u rumaysatay inuu Ciise ka duwanaanayo?
5. Maxay naagta u rabtay inay Ciise taabato (38)?
Maxaad u malayni haddii jiir, mas ama qof aan necbannahay ina taabto?
Maxay naagta fahantay/waxaad ogaataa in Ciise dhibsanin taabashada naagtan.
6. Bal qiyaas marki naagtan oohin ugu dambaysay?
Illin intee la’eg baad u malaynaysaa in loo baahanyahay si qof cagahiisa loo dhaqo?
Maxaa naagtan sidaas oga illimeeyay ilaa ay ka qoyso cagihii Ciise?
Maxay naagta ugu qallajin waysay cagihii Ciise qamaarkeeda ama maradeeda intay timaheeda ku qallajinaysay?
Naagta marki la cashaynayay wax hadal ah ma aysan dhihin laakiin dhaqankeeda muxuu tusay?
7. Aayadaha 41-42 Ciise wuxuu masaal ku bixiyay nin bangiile ah iyo niman uu lacag ku leeyahay. Kan bangiga leh waa Ilaah, laakiin yuu Ciise ku wadaa labada nin oo deenta lugu leeyahay?
Ciise wuxuu isku barbardhigayaa dembi iyo deen.
Bal aan ka soo qaadno inaad dembi walbo ood Ilaah ka gashay uu la mid yahay 10 shilin oo deen. Meeqaa deen buu Ilaah kugu leeyahay hadda. (Qalbigaad iskaga jawaabi kartaa.)
8. Muxuu Simcon u yaseyey Ciise iyo naagtaba (39)?
( Maxay inoogu fududdahay inaan eegno dembiyada dadka kale oon u arki la’anahay kuweenna)?
9. Kee hor dhacay: Naagtu ma waxay marka hore rumaysatay in dembiyadeeda la cafiyay, Mise marka hore waxay jeclaatay Ciise si uu dembiyadeeda u cafiyo? Jawaabaha waxaad ka heli kartaa aayadaha 42-43, 47.
Yaa bixiyay deenti ay naagtan Ilaah ka qabtay?
Maxaa ku dhacay deenti uu Simcon Rabbiga ka qabay?
Lacagtee buu Ciise ku bixiyay dembiyada dadka oo dhan?
10. SUAALAHA BISHAARADA: Ciise wuu ogyahay dembiyadaada oo dhan, iyadoo ay taas jirto hadana wuxuu kugu leeyahay: “dembiyadaada oo dhan waa la cafiyay. Rumaysadkaaga ayaad ku badbaaday. Nabad ku tag!” (Aayadaha 48 ilaa iyo 50) Isaga keliya ayaa xaq u leh inuu erayadaas ku hadlo, waayo wuxuu dhiiggiisa ku bixiyay deenti dembigaaga. Maxaad ugu jawaabi? (Qalbigaagaad iskaga jawaabi kartaa.)
(Waa in qof walbo ka jawaabo): Waa maxay waxa ugu muhiimsan ee aad ka baratay intaad kuguda jirtay barashada casharkan?
© 2009 Glad Tidings Bible Studies in Somali - www.gladtidings-bs.com
4. CIISE WUXUU LA KULMAY [SIYAASYAHAN] SIYAASI NAJAXAY (Mark 10:17-27)
DULUCDA/TIXRAACA SHEEKADA: Ninka halkan lugu magacaabay wuxuu ahaa nin da’ yar islamarkaana ah xubin baarlamaan (kuwaasoo loo yaqaanay golihii waynaa). (Matt.19:22 and Luke 18:18). Ninkan wuxuu Kitaabka Quduuska ka bartay markuu dhinto ka dib in uu Janno gelayo ama naar gelayo. Waxaad ogaataa in dhaqan ahaan aad u foolxuma badnayd Nin ku soo orda ama u jilba joogsado nin kale nin kale hortiisa.
1. Maxaad u malaynaysaa: qof ma faraxsanaan karaa haddii uusan ogayn waxa ku dhici doono markuu dhinto kadib?
Maxaa ku kallifay in ninkan oo ah xubin baarlamaan uu sameeyo waxyaabahaas la yaabka leh sida markuu ku soo orday oo jilba joogsaday Ciise hortiisa (17)?
Ninkan ma wuxuu Ciise u tixgeliyay Ilaah mise wuxuu iskaga maleeyay nin aan caadi ahayn oo xigmad badan (17b-18)?
2. Muxuusan ninkan u hubin badbaadadiisa inkastoo uu ilaaliyey ammarrada Eebbe oo dhan?
Maxaan inaga had iyo goorba u hubin inaan janno geleyno goortaan dhimanno ka dib?
Ma u malaynaysaa inuu qof hubsan karayo inuu janno gelayo iyo inkale markuu dhinto ka dib? Sababahaaga sheeg.
3. Kuwee ugu adag ammarrada uu Ciise halkan ku sheegay (19)?
Siyaasiyiin badan waxay kuwa musuqmaasuq ah oo lacag iyo sino jecel. Ninkan sidee buu uga badbaaday jarribaadahaas oo dhan (20)?
Waxaad ogaataa sida Ciise hadalka u dhigay ammarrada oo dhan waa in la fuliyaa camal keliya maahee xitaa erayadaada iyo fikirkaaga waa inaad Ilaah ku adeecdaa. Ma u malaynaysaa in ninkan uu Ilaah ku adeecay dhan walbo (19-20)?
Si daacad ah ma u dhihi kartaa erayada uu ninkan ku hadlay aayadda 20?
4. Ninkan hal arriin baa ka maqnayd. Soo koob aayadda 21aad oo sheeg waxa ninkan ka maqnaa?
5. Ciise wuxuu aayadda 21aad ku sheegay in hanti badan taallo Jannada. Siduu qofka u uruursan karaa hantida Jannada?
Waa maxay kala duwanaanshaha u dhaxeeyo hantida dunida iyo tan Jannada?
Waa maxay hantida ay maanta dadka da’ada yar aadka u qiimeeyaan?
Waa maxay waxa kuugu qiimo badan noloshaada? (Qalbigaagaad kaga jawaabi kartaa.)
6. Ninkan da’ada yar wuxuu lahaa reer iyo waalid uu ilaalinayay. Maxaa ku dhici lahaa iyaga haddii uu goaansan lahaa inuu raaco waxa Ciise ku leeyahay aayadda 21aad?
Bal qiyaas adigoo xaaladda ninkaas da’ada yar ku sugan. Ma rumaysan lahayd inuu Ilaah ilaalin karayo noloshaada iyo tan reerkaadaba haddii aad wax walbo isaga aawadii uga tagto?
Wax walbo ma uga tagi lahayd inaad janno ku heshid? (Qalbigaagaad kaga jawaabi kartaa.)
7. Sida ku qoran aayadda 21aad, Ciise wuu jeclaa siyaasiga da’ada yar? Muxuu marka hadalladaas ugu dhahay illaa uu ka tago?
8. Markuu ogaaday inuusan samayn Karin waxa isaga Ciise ka rabay inuu sameeyo, maxay kula tahay inuu ninkan samayn kari lahaa inuu ka tago mooyaane (22aad)?
Muxuu Ciise ku jawaabi lahaa haddii uu ninkan ku oran lahaa: “I cafi waayo waxaan kaa jeclahay lacagtayda!”
9. Bal qiyaas nolosha ninkan siyaasiga ah: Miyuu faraxsanaa? Muxuu ka malaysanayay geerida?
Bal isu barbardhig jawaabti uu Ciise siiyay siyaasigan da’ada yar iyo siduu ugu jawaabay Butros (aayadaha 21 illaa 27). Jawaabahaas ma isku mid bay ahaayeen mise way kala duwanaayeen?
Yaa Jannada geli karaa markuu dhinto ka dib?
10. SUAALAHA BISHAARADA: “Wax walba waa u suurta gashaa Ilaah” taas macnaheedu waxaa weeye: Ciise hantidiisi Jannada wuu ka soo tagay wuxuuna (aga) oga soo tagay si uu dembiyadeenna ugu dhinto (oon) oo aan (ka dib) kadib u helno nolosha weligeed ah. Khaladka ugu wayn uu ninkan galay wuxuu ahaa Ciise ayuu ka tagay. Maxaad samayn doontaa adiga? (Qalbigaagaad kaga jawaabi kartaa.)
(Waa in qof walbo ka jawaabo): Waa maxay waxa ugu muhiimsan ee aad ka baratay intaan kuguda jirnay barashada casharkan?
© 2009 Glad Tidings Bible Studies in Somali - www.gladtidings-bs.com
5. WAXBARIDDII CIISE: WIILKII LUMAY (Lukoos 15:11-24)
DULUCDA SHEEKADA/TIXRAACA: sheekadan Ciise waxaa loo yaqaanaa masaal. Dhaxalka lama heli jirin intuusan qofka dhiman ka hor. Guryaha waqtigii Ciise kuma aysan oollin buuraha korkooda laakiin waxay ku oolli jireen jidka tuulada. Markaad tuulada kor ka joogto guryaha saqafkooda unbaa muuqanaya (20). Sidaan horayba u soo sheegnay ragga waayadaas meysan ordi jirin.
1. Qof da’ yar ma faraxsanaani haddii ay waalidkiis xakameeyaan?
Ninkaa da’ada yar muxuu u faraxsanaani waayey inkastoo uu haystay guri wanaagsan iyo Aabo wanaagsan?
Haddii aad wiilkaas Aabihiis ahaan lahayd maxaad ugu jawaabi lahayd codsiga wiilkaaga (12a)?
2. Muxuu Aabaha u qarsaday dhibki iyo murugadi haysatay inkastoo uu ogaa waxa ku dhici karayo haddii uu wiilkiisa fasaxo (12b)?
Sida masaalkan ku xusan Aabaha waxaa laga wadaa Ilaah. Wiilkana waa qof Ilaah ka tagay markuu rumaystay oo la babtiisay kadib. (Ilaah muu dadka ka reebo inay isaga ka fogaadaan? ) Muxuusan Ilaah iskugu dayin inuu joojiyo wiilkiisa in uusan ka tagin?
3. Maxay dad badan oo da’yar maanta u jecel yihiin inay u noolaadaan sida ninkaas oo kale inay lacag jeebadaha buuxsadaan ay u rabaan inay dibadaha lacag kula soo tuntaan?
Siduu ninkan da’da yar u isticmaalay lacagti Aabihiis bal eeg aayadaha 13 illaa iyo 30?
Maxaa ku dhacay ninkan oo uu u heli waayey saaxibbo u gargaara markuu nasiibkiisi xumaaday?
4. Doofaarku waxay Yahuudda u arki jireen inuu nijaas yahay. Maxay kula tahay inuu ninkan ku fikirayey markuu shaqo ka raadsaday meesha doofaarrada lagu dhaqo (14-15)?
Maxaa ninkan yar xitaa loogu ogolaan waayay inuu cuno raashiinka doofaarka si uu gaajada oga badbaado? (16)?
5. Maxaa ninkan da’ada yar niyadiisa soo celiyay oo uu u soo laabtay intuu isdaldali lahaa darxumo aawadeed (17)?
Aayadaha 18-19 waxaad ku arkaysaa qirashada uu ninkan rabay in uu u qirto Aabihii. Waa maxay dembiyada uu Aabihii ka galay?
Waa maxay dembiyada uu ninkan ka galay Ilaah? (18)?
Waa maxay dembiyada aad adiga ka gashay Ilaah iyo waalidkaadaba? (Qalbigaagaad kaga jawaabi kartaa.)
6. Muxuu ninkan da’ada yar Aabihii u weydiisan waayay inuu dib u aqbalo wiilkiisa ahaan (19)?
Waa dad noocee dadka aan u qalmin in loogu yeero carruurta Ilaah (19)?
7. Muxuu Aabaha ku fikiray markuu arkay wiilkiisoo lugaha dhulka ku soo jiidayo oo kabo la’aan ah (20)?
Maxaa u suurta geliyay in Aabaha uu wiilkiisa meel fog ka garto (20)? (Eeg tixraaca sheekada)
Maxay kula tahay inuu Aabaha sameenayey sanadihii badnaa oo wiilkiisa ka maqnaa (20)?
8. Muxuu wiilka Aabaha ugu sheegi waayay wax walboo uu qorshaystay inuu u sheego (18b-19 illa iyo 21)?
Siduu wiilku u arkay dhaqanka iyo hadallada Aabihiis (22-23)?
Goormuu Aabuhu wiilka cafiyay? Sheeg aayadda.
Goormuu wiilku billooway inuu rumaysto jacaylka iyo cafiska Aabihii? Sheeg aayadda?
Aabuhu muxuu kala jeeday micnaha erayadan ku xusan aayadda 24aad?
9. Siduu jacaylka Ilaah oga duwan yahay kan aadanaha?
Masaalkan muxuu naga barayaa toobadkeenidda?
10. SUAALAHA BISHAARADA: “Wiilkaygan wuu dhintay wuuna soo noolaaday.” Ciise wuxuu ka soo tagay gurigi aabihiis dhulkuuna yimid, ma ahayn inuu ka hor imaado doonista aabihiis laakiin inuu fuliyo. Markuu guriga ku laabanayay albaabka jannada ayaa indhaha looga dhuftay wuxuuna ku qayliyay “Ilaahayow Ilaahayow maxaad ii dayrisay?” Maxaa wiilkan masaalka ku sugan loogu soo dhoweeyay siduu Ciise mudnaa in loo soo dhoweeyo, Ciisana loogu dayriyay sidi la rabay in wiilkan loo dayriyo?
(Waa in qof walbo ka jawaabo:) Waa maxay waxa ugu muhiimsan ee aad ka baratay intaad ku guda jirtay barashada casharkan?
© 2009 Glad Tidings Bible Studies in Somali - www.gladtidings-bs.com
6. WAXBARIDDII CIISE. WIIL KALE OO LUMAY: (Lukoos 15:25-32)
DULUCDA/TIXRAACA SHEEKADA: Waxaa dhab ah, aabaha wuxuu hantidiisa nuskeeda uga (tagay) tagey wiilkiisa weyn markuu kii yaraa dhaxalkiisi helay (aayada 12). Aabaha (khaldkiisa) qaladkiisa ma aysan ahayn inuu wiilkiisa rumaysan waayay.
1. Nin da’ yar ma faraxsanaani karaa haddii uu u maleeyo inay labadiisa waalid jeclayn?
Muxuu wiilka wayn u raaci waayay walalkiisa yar haddii uusan ku faraxsanayn nolosha guriga?
Maxay ahayd baad u malaynaysaa waxa wiilka wayn aad u suguyay noloshiisa oo dhan?
2. Muxuu wiilka wayn adoon isugu maleeyay inkastoo Aabihii u ballan qaaday hantida nuskeeda (12b, 29, 31)?
Haddii aabaha masaalkan lugu sheegay yahay Ilaah wiilkan yarna yahay Masiixa ku caasiyay Ilaah, haddaba wiilka wayn yuu noqon karaa?
Ma u malaynaysaa in Aabaha ula dhaqmay labadiisa wiil isku mid?
Ma u malaynaysaa in Ilaah inoola dhaqmo si isku mid ah?
3. Wiilka wayn muxuu ku fikirayey markuu maalin walbo beerta falayay?
Haddii aad dareentay sida wiilka wayn ee ku xusan aayadaha 29-30, xaaladaeed ku sugnayd markay dhacaysay?
Maxaad u malaynaysaa in ay tahay sababta dhabta ah uu wiilka wayn weligiis xaflad ugu qabanin saaxibadiis (29)?
Siduu aabaha dareemi lahaa hadduu wiilka wayn neef ari ah u qali lahaa oo uu xaflad u dhigi lahaa saxibadiis (30-31)?
4. Waa maxay sababta dhabta ah ee wiilka wayn u carooday halkan (27-28)?
Wiilka yar mar hore ayuu sharafti aabihii ku cayaaray dadka tuulada hortooda oo dhan haddana kii waynaa ayaa (sidi) sidii oo kale samaynayaa. Muxuu aabahan u xanaaqi waayay?
Waa maxay waxa aabaha aad ka arki kartid sida ku qoran aayadaha 28b illaa iyo 31-32?
Waa maxay waxa Ilaah aad ka arki kartid sida ku qoran aayadaha 28b, 31-32?
5. Muxuu wiilka wayn aabihii u jeclaan waayay inkastoo inkastoo Aabaha isaga weligii u fiicnaa?
Kawada sheekaysta masaaalkan: Waa maxay sababta dhabta haddii ay dhacdo inaan Ilaah jeclaan wayno?
6. Wiilka wayn wuxuu moodayay inuu had iyo goorba fulinayay doonista Aabihiis (29). Laakiin aabaha muxuu ka filayay wiilkiisa?
Maxaa ina tusi karaa in wiilka wayn jeclayn wiilka yar (30)?
Yuu wiilka wayn jeclaa?
7. Muxuu Ciise ugu gooyay sheekada dhexda in wiilka weynaa xafladda tagay iyo in kale (28, 32)?
8. Markaad ku aragtid xaflad masaallada Ciise waxaa lagawadaa Janno. Sida masaalkan ku qoran yaa ugu dambaynta jannada geli doonaa?
Sida masaalkan aan ku soo aragnay yay khaladkiisa tahay haddii qof jannada geli waayo?
9. Bal qiyaas xaalku siduu ahaa markay labadi wiilba subixi dambe beerta wada aadeen. Wiilka wayn siduu dareemaye kan yarna siduu ahaa?
Dadka dunida oo dhan labadaa wiil midkood unbay yihiin. Midkeed adiga la mid tahay? (Qalbigaagaad kaga jawaabi kartaa.)
10. SUAALAHA BISHAARADA: Ciise wuxuu kugu leeyahay: “Hantidayda oo dhan adiga ayaa leh.” Iskutalaabta dusheeda markuu saarnaa wuxuu jannada kaaga diyaarinayay boos/goob. Wuxuu dhaxalkan ku siiyay maalinti lugu babtiisay. Wiilka wayn ma uusan rumaysan ballan qaadkan, laakiin dhaxalkiisa wuxuu ugu shaqaystay sida adoon oo kale. Ma rumaysanaysaa inaad dhaxalka jannada ku heli doontid shaqo la’aan mise waxaad isku dayi inaad shaqaysatid inaad camal wanaagsan aawadiis aad ku gashid jannada? (Qalbigaagaad kaga jawaabi kartaa.)
(Waa in qof walbo ka jawaabo): Waa maxay waxa ugu muhiimsan ee aad ka baratay intaad kuguda jirtay barashada casharkan?
© 2009 Glad Tidings Bible Studies in Somali - www.gladtidings-bs.com
7. WAX BARIDDII KALE EE CIISE: WAA KUMA DARISKAYGA? (Lukoos 10:25-37)
DULUCDA/TIXRAACA SHEEKADA: Waddadii buurta ee u dhaxeeyay Yeerusaleem iyo Jeeriko wuxuu ahaa sodon kiloomitir aad buuna u tuuga badnaa. Laawi waxaa la oran jiray ninka (illinka) ilinka macbudka ilaaliya. Waqtigii Ciise, Yuhuudda waxay isdagaalsanaayeen dadka reer Samaariya kuwaasoo kula noolaa hal waddan ah. (Tusaala u soo qaado waddankaaga. Somaaliya: Soomaalidu waxay isku dagaalaan qabiil sida Hawiya, daarood, dir, digil iyo mirifle i.w.m. Haddii aad Soomaaliya ku soo noolayd waqtigii dagaallada (masaashan) tusaalahan si wanaagsan ayaad u fahmi kartaa.)
1. Qof ma faraxsanaani karaa haddii uusan dadka kale u dar yeelaynin oo uu isaga tiisa keliya ka fakarayo
Intee mar baad lacagtaada bixisay si aad ugu deeqdo kuwa baahan?
2. Waxaan cashar hore ku soo barannay in isla suaashan uu waydiiyay Ciise nin Siyaasi ah. Muxuu yahay jidka Jannada sida Ciise uu ku yiri aayaddan (25-27)?
Waa fursadahaaga janno haddii shuruudyada ay yihiin kuwa Ciise inagu baray aayadda 27?
3. Ciise wuxuu masaal inagu siiyay nin tuugo ay waddo si xun ugu dhaawaceen. Bal qiyaas waxa uu ninkan ku fikirayay markuu halkaas jiifay (30).
Maxay naagtiisa iyo caruurtiisa ku fikiraayeen markay waayeen Aabihi guriga oo uusan waqtigii la sugayay?
4. Maxaa dadka meesha marayay khatar geliyay oo ay caawin waayeen ninkan dhibaysan?
Wadaadadki iyo Laawigi waxay u socdeen macbudka si ay u soo cibaadeestaan. Maxay sameeyn lahaayeen ayay kula tahay hadduu labadaa nin qofkaas wiilkooda ahaan lahaa?
Ka fakar wax badan sababta labadan nin ay u caawin waayeen ninkan aan la garanaynin. (31-32)?
Sideed adigu qudhaada samayn lahayd haddii aad halkaas joogtay markaas?
5. Siday Wadaadki iyo Laawigii u turjunteen amarka Eebbe ee jacaylka ku saabsanaa oo la soo baray tan iyo yaraantodi? Eeg aayadda 27aad?
Maxaad u malayn lahayd qof sidan kugu yiri: “Qalbi daacad ah ayaan Ilaah ku jeclahay, laakiin waan ka xumahay fursad ma hayo aan ku caawiyo dad kale.”
6. Haddii ninkaas reer Samariya ah iska dhaafi lahaa ninkaas sidee buu isku difaaci lahaa haddii la waydiiyo sabatuu ninkaas uga tagay? Eeg tixraaca sheekada.
Muxuu ninkaas reer Samariya ah ugu sameeyay waanaga intaas la’eg Yahuudiga? (33-35)?
7. Labo diinaar waxay ahayd waxa labo maalin lagu shaqeeyo, oo la mid ah 13 meelood mushaarka ugu wanaagsan ee qof ku shaqeeyo. Lacagtaas iyada ah qof labo bilood ayuu ku noolaan karaa. Sarifka labo diinaar waa meeqaa oo shilin soomaali ah?
Bal ka fikir sababta ninkaas reer Samariya ah uu waxaasoo lacag ah u siiyay ninkaas uusan aqoonin. (35).
Aragtidaada ahaan meeqaa meel boqolaad oo ammarrada jacaylka ayuu adeecay? Eeg aayadda 27aad.
8. Yuu Ciise ku waday daris?
Waa kuwee kuwa dariskaaga ah oo aad si fog iyo si dhow u caawinaysid?
9. Haddii lugu waydiin lahaa inaad kala dooratid waxa masaalkan lugu sheegay, middee baad dooran lahayd adiga ahaantaada? Ma ninki la furtay oo la silciyey, mise tuuggi, ama laawigii mise ninkii reer Samariya. Sababahaaga sheeg aad u doorin lahayd taas iyada ah.
Sidee buu Ciise ugu egyahay ninka reer Samariya ee masaalkan lugu sheegay?
Sidee buu Ciise ugu ekaan ninki Yahuudiga ahaa oo la silciyey?
Ciise wuxuu diyaariyey wado kale oo Jannada loo maro oo ka ahayn tan lugu tilmaamay aayadda 27aad? Waa maxay waddadaas?
SUAALAHA BISHAARADA: “Tag oo sidaas oo kale samee”, ayuu Ciise yiri – wuuna tagay taas oo kale ayuu isaga qudhiisana sameeyay. Haddii ay dadka dhamaantood kaa tagaan iyagoo waxba kaaga qabinin dhibaatooyinkaaga, Ciise sidaas kuuguma samaynayo. Dhinacaaga ayuu imminka taaganyahay wuxuuna doonayaa inuu kabo meesha qalbigaaga ka jabanyahay. Maxaad ugu jawaabi? (Qalbigaagaad kaga jawaabi kartaa.)
(Waa in qof walbo ka jawaabo): Waa maxay waxa ugu muhiimsan ee ka bartay casharkan intaad kuguda jirtay barashada casharkan?
© 2009 Glad Tidings Bible Studies in Somali - www.gladtidings-bs.com
8. MARKA TAN UGU XUN DHACDO (Mark 5:21-24 IYO 35-43)
DULUCDA/TIXRAACA SHEEKADA: Hogaamiyaha sunagooga/macbudka Yahuudda waxaa laga dooran jiray dadka ugu sumcadda badan ee magaalada. Wadaadadii kale ee sunagooga way (macaaradayeen) ka soo horjeedeen Ciise waxaan ka ahayn Yayros. Ninkan wuxuu lahaa wiilkan keliya (Luukoos 8:42).
1. Bal qiyaas nolosha reerkan cardunka ah markuu u dhashay ilmo ay mudo badan sugayeen. (Siday labadii waalid u dhaqmeen markay ogaadeen in Ilmihii noqday gabar halkay ka sugayeen wiil? Maxay la rabeen gabadhooda mustaqbalka?)
2. Maxaa ku dhacay xiriirki labada waalid markuu ilmuhu ka xanuunsaday? Siyaabo badan uga fakkar.
Muxuu Yayros Ilaah ka malaystay markay gabadhiisi xanuunsatay kadib?
3. Muxuu Yayros u doonayay inuu gargaar waydiisto nin saaxibbadii iyo qaraabadiisa oo dhan aysan jecleen?
Siduu Ciise u arkay Yayros markan, markaad eegto sida uu u wajjahay (22-23)?
4. Bal qiyaas siduu aabaha noqday markuu akhbaarta xun maqlay (35)?
Haddii aad weligaa isku tiri wax Ciise laga daneeyo malaha, goormay dhacday?
5. Muxuu Ciise ugu yiri Yayros ha cabsanin inkastoo ay wax u xun ku dhaceen Yayros (36)?
Muxuu Yayros rumaystay xitaa markay gabadhiisi dhimatay kadib?
Muxuu Yayros samayn lahaa haddii uu Ciise rumaysan lahayn?
6. Maxaad aad aga cabsi qabtaa aduunyada/dunida? (Qalbigaagaad kaga jawaabi kartaa.)
Sidee baad u arki lahayd haddii Ciise kugu oran lahaa ha cabsanin adigoo dhibaato aad u wayn kula soo daristay?
Ciise wuxuu maanta kugu leeyahay: “Ha cabsanin iska rumayso.” Erayadan xaalkaaga hadda ah maxay kuu micnaynayaan?
7. Xaaski Yayros waxay aragtay ilmaheedi oo dhimanayo nikeedi oo maqan. Siday kula tahay inay maskaxdeeda noqotay markay aragtay Ciise iyo ninkeedi oo guriga soo galayo?
Tacsidi iyo xabaashi ayaa la isku dubabaridayay markuu Ciise imanayay guriga Yayros (38). Muxuu Ciise rabay inuu ku yiraahdo martida halkaas iskuugu timid sida ku xusan aayadda 39?
8. Akhri siduu Ciise aga soo sarakiciyay dhimashada gabadhan (41-43). Maxaad u aragtaa inay aad kuu xiiso gelinayaan?
9. Muxuu Ciise dadka ugu yiri qofna hausheegina mucjisadan, inkastoo ay xayeeysiin wanaagsan u ahaan lahayd shaqadiisa (43)?
10. Sameen nooce bay ku yeelatay nolosha gabadha? Siday u saamaysay mustaqbalkeeda?
Siday noloshi waalidkeeda isku baddashay dhacdadan ka dib?
Maxaad u malaynaysaa inay reerkan dareemeen markay maqleen in sheekadi dhimashada iyo sarakicidda gabadha la faafiyay?
SUAALAHA BISHAARADA: “Ha cabsanin, rumayso;” wuxuu Ciise kala jeeday: “Tan aniga igu dhaaf. Aniga ayaa ku filane.” Ciise hal arriin ayuu ka cabsi qabay, inuu ka go’a aabihiisa jannada illaa uu dhiig ka soo daato markuu joogay beertii geedsmane. Wuxuu halkaas inoogu muujiyay in waxa keliya aan ka cabsanno ay tahay inaan Ilaah ka fogaano Dhibaatooyinka kale oo dhan wuxuu inoogu baddali doonaa barako haddii aan isaa rumaysano.
© 2009 Glad Tidings Bible Studies in Somali - www.gladtidings-bs.com
9. DUMAR MABA SII AHA (Mark 5:25-34)
DULUCDA: Sida sharcigii Muuse ku qornayd dumarka waxaa loo arki nijaas markay dhiiga qabaan. Qofna looma ogalayn inuu jirkeeda taabto ama wax ay iyada taabato. Mana loo ogolayn inay macbudka gasho iyadoo dhiig kasocdo. (Laaw.15).
1. Naagtan waxay qiyaasti jirtay sodon ama afartan, waxayna jirradan ku dhacday iyadoo da’ yar. Maxaa dhib ah oo jirradan ay u keentay nolosha qoftan (25)? (Haddii la qabayna maxaa dhib ah bay jirradan u keentay?
Dhiiggan sida joogtada ah uga socday qoftan muxuu u keenay jirkeeda?
Jirrooyinka noocaas maxay dadka sharaftiisa u dhimi karaan?
2. Maxaad u malayn inay naagtan Ilaah ka malaysattay markay jirradan ku dhacday iyadoo da’ yar?
Siduu xiriirkeedi Ilaah u baddalmay intay cudurkan qabtay?
3. Aayadda 26aad waxay inoo sheegaysaa inay naagtan lacag haysatay. Bal qiyaas xaggey naagtan lacagtan ka keentay maxaana lacagtaas loogu talagalay markii hore?
4. Waxaan qiyaasi karnaa in dhakhaatiirtii dumarkii ee markaas joogay aysan aad takhasus ugu lahayn jirroyinkaas. Maxay naagtan inay bogsoota aad ugu baahnayd xitaa ay waxaasoo lacag ugu bixisay dhakaatiir (26aad)?
Siday naagtan dhaktar iyo kuwa lamid ahba intay xanuunsanayd?
Maxay ahayd waxay ku kala duwanaayeen Ciise iyo dhakhaatiirti kale (26-28)?
5. Siday naagtan oo dhib badan ka soo martay dhakhaatiir kala duwan u hubsatay in ay ku bagsoonayso taabashada marada Ciise (27-28)?
Ma u hubtaa sida naagtan in Ciise xallin karo dhibkaada ugu wayn? Waayo, muxuusan u xallin Karin?
6. Maxay naagtan u waydiisan wayse Ciise gargaar sida dadka kale oo dhan (28-29)?
Waa maxay sababta ay taabasho u dooratay inay tahay sida ay ku bagsoon karto?
7. Siduu Ciise ku ogaaday in qof taabtay maradiisa (30-31)?
Muxuu Ciise naagtan iskaga ogolaan waayay inay iska tagto isagoo aan la hadlin (30-32)?
8. Maxaad u malayn inay naagtan dareentay markay maqashay suaasha Ciise ee ku xusan aayadda 30aad?
Maxay naagta ku aragtay indhaha Ciise markuu intuu ku soo jeestay indhaha ka eegay (32)?
9. Naagta wax hadal ah Ciise kuma aysan oran haddana sheekada oo dhan way u sheegtay. Maxaad u malaynaysaa inay ku tiri (33)?
Weligaa Ciise ma ugu sheegatay erayo badan dhibaatada dhabta ah?
10. Aayadda 34aad waxaa loo turjumi karaa laba noocood: “Rumaysadkaagaa ku bogsiiyay.” Ama “Rumaysadkaagaa ku badbaadiyey.” Muxuu Ciise u rabay inuu erayadaas kula hadlo naagtaas?
Muxuu Ciise naagtan ugu yeeray gabadhiisa iyadoo ayaba dhici karto inay isku da’ ahaayeen (34)?
BISHAARADA: Ciise diiniyan ahaan wuu wasakhooway markuu dhigiissa ku daadanayay iskutalaabta korkeeda. Qof walboo isaga taabtayna wuxuu noqday waskh. Kan wuxuu ahaa qiimihi uu Ciise ku bixiyay inuu naagtaas badbaadiyo oo adigana kugu badbaadiyo.
© 2009 Glad Tidings Bible Studies in Somali - www.gladtidings-bs.com
10. EFATA FURMO (Mark 7:31-37)
DULUCDA/TIXRAACA: Ninka qoraalku ku wuxuu ahaa dhagool illaa yaraantiisi laga soo billaabo, waayo mauusan hadli Karin. Natiijadu waxay ahayd qofna lamuusan hadli Karin. (Waqtigaas si dhagoollada ay kuwada hadlaan oo la isla yaqaanay majirin.) Nabi Ishacyah ayaa ka sii hadlay 700 oo sano ka hore in Masiixu dhagoolka wax maqashiin doona kana aan hadli karinna ka hadalsiin doona (37, Ish. 3:5).
1. Bal qiyaas codadka aad maalinti maqli kartid. Maxay kula ahaan lahayd haddii aadan waxba maqli Karin ama aadan hadli Karin?
2. Bal qiyaas ninkan carruurnimadiisi. (Waalidkaas maxay ku samayn jireen si uu khatarta iskaga ilaaliyo ama uu u shaqaysto. Siduu isula muuqday isaga markuu noloshiisa fiiriyo?)
3. Bal isu barbardhig nolosha ninkan iyo tan kuwii la iskuda’aada ahaayeen markuu barbaaray kadib?
Waxaa suurta gal ah inuu ninkan marar badan booqday Sunagooga iyo macbudka. Intee in laeg buu ka fahansanaa Ilaaha aan la arkin?
4. Maxay damacsanaayeen dadki ninka Ciise u keenayay? Siyaabo badan u fakar (31-32).
Haddii aad adiga ahaan lahayd qofka ninkan dhagoolka ah u keenayay Ciise sideed wax ugu sheegi lahayd?
5. Muxuu Ciise ugu bogsiin waayay ninka sidi saxaxibbadii weydiisteen inuu u bogsiiyo (32-34)?
Muxuu ninkan uga maurmi waayay laakiin uu iskaga raacay nin Wadaad ah oo usan garanayn (33)?
Muxuu Ciise u doonayay in uu ninkan geeyo meel ka fog dadki badnaa (33)?
6. Intee in laeg buu ninkan fahmay meedaarka Ciise eek u xusan aayadaha 33aad illaa iyo 34? (Ciise muxuu rabay inuu ninkan u sheego markuu taabanayay dhagahiisa iyo carabkiisa – isagoo samada eegayo oo aad u neeftuurayo intuusan ninka bogsiinin ka hor?)
Maxaad u malaynaysaa sababta uu Markos ugu qoray injiilkiisa bogsiinta ninkan luuqadda Aramaaiga (34)?
7. Waa maxay waxyaabaha kuugu adkaynayo inaad maqashid waxa ay dadka kuu sheegayaan inkastoo laga yaabo inuu maqalkaada aad u fiicanyahay?
Ciise wuxuu taaganyahay hortaada imminkada isagoo kuugu leh “Efata Furmo!”. Muxuu ku wada markuu sidaas kuugu leeyahay – waa sidee wada hadalkaaga dadka kale? (Qalbigaagaad kaga jawaabi kartaa.)
8. Sida caadada ah waxay caruurta ku qaadataa sadex sano inay bartaan waxa ugu muhiimsan ee luuqad walbo. Siday macquul ku noqotay inuu ninkan ku qabto akhbartaas oo dhan il-biriqsi (35)?
9. Mucjiso walboo Ciise sameeyo waxay wax inooga sheegaysaa Janada. Maxaan ka baran karnaa dhacdadan?
10. Maxay dadka uga hadlayeen mucjisadan xitaa hadduu Ciise ku yiri qofna hausheegina (36)?
Muxuu Ciise rabay inay dadka ka sheegaan isaga?
Maxay kula tahay: Ma wax tar bay kinisadda u tahay maanta inay mucjisooyinka ku xayeeysiiyai saxaafadda?
BISHAARADA: Xiriirkii khaaska ahaa ee ka dhaxeeyay Ciise iyo aabihiis wuu burburay markuu ka soo laalaaday iskutalaabta, Ilaahna dhegihiisa wuu ka xirtay inuu maqlo oohintiisa. Ilaah wuxuu maqlaa keliya kuwa xaqqa ah, Ciisena wuxuu markaas ahaa kan ugu xun dembiileyaasha sabatuna maaysan ahayn dembi uu isaga geystay balse midkaan inaga geysannay. Aamusnaanta aan caadiga ahayn bay ahayd qiimihii uu Ciise ku bixiyay si uu u soo celiyo xiriika annaga dembiileyaasha ah iyo Ilaaheenna xaqqa ah.
© 2009 Glad Tidings Bible Studies in Somali - www.gladtidings-bs.com
11. RUMAYSTA LABO QALBIILA AH (Mark 9:14-29)
DULUCDA/TIXRAACA: Qofka jinka ku dhacay waxaa loo yaqaanaa Jin Qabe. Tan waa ka duwantahay waallida maskaxda, qallalka iwm. Jinku kuma dhici karo qofka Ciise rumaysan oo lagu babtiisay magaciisa, maxaa Ruuxa Quduuska ayaaba ku dhexnool qalbigiisa. Sida uu Injiilka u qoray Lukos Ilmaha halkan ku xisan wuxuu ahaa madi. (Lukos 9: 38).
1. Bal qoyaas nolosha aabahan maalin walbo siduu wiilkiisa ugu dhacay jinka (17-18, 20-22). (Tix gali xiriirka aabahan uu lalahaa xaaskiisa, carruurtiisa dariskiisa iyo Ilaah. Muxuu aad aga cabsi qabay mustaqbalka reerkiisa? Muxuu isku dayay baad u malaynaysaa si uu wiilkiisa u caafimaado?)
Bal isu barbardhig nolosha wiilkan iyo tan kuwa iskudaadda ahaayeen (17-18, 20-22).
2. Maxay waxa ugu adkaanta badnaa aabahan sida ku xusan aayadaha 14-18?
3. Yuu Ciise ku waday dadka ma rumaystayaalka ah ee aadka u adag (19)?
Maxay u ahayd inuu Ciise u dulaqaadan waayo dadkan ma rumaystayaalka markaan eegno sida halkan ku xusan (19)?
Maxay kula tahay inuu Ciise ugu yeeri lahaa qarnigeennan haatan joogo?
4. Muxuu aabaha isaga iskuugu daray in isagana loo gargaaro uu u dhahay: “Noo naxariiso noo gargaar” (22b)?
5. Aayada 23aad Ciise wuxuu u muuqdaa inuu aabaha ka doonayo rumaysad aan la qiyaasi Karin. Muxuu sidaas u sameeyay?
Sideed dareemi lahayd haddii qof kaa codsan lahaa rumaysad dhamystiran adigoo marka horaba wareersanayd?
6. Muxuu aabahan rumaystay muxuuna ka shakiyay markuu baryadiisa ku ooyayay sida ku xusan aayada 24aad?
Maxaad adiga ahaan rumaysatay maxaana ka shakisay marki kuugu dambeysay oo aad Ciise ku oysay si uu kaaga dhibaatada kuwa aad jeceshahay?
7. Oohintiisa aabahan ma waxay cadayn u ahayd inuu rumaysade sax ahaa mise (24)? Sheeg sababta.
Goormaad u malaynaysaa inuu aabahan noqday rumaysadaha Ciise? Maxaa suurta gal ah?
8. Muxuu Ciise u cawiyay reerkan iyadoo ay aabaha iyo hooyadaba rumaystayaal ahayn (25)?
Yey rumaysadkiisa ku dhacday mucjisadan?
Rumaysad intee laeg baa lagaaga baahanyahay si uu Ciise uga gargaaro dhibaatada kuwa aad dhab u jeceshahay?
9. Waxaa macquul ah inuu aabaha u maleeyay in wiilkiisa dhintay markuu isagoo nuuxsanaynin dhulka jiifay (26). Muxuu xanuunkaas u maray intuusan Ciise caawinin kahor? (Muxuu aabaha ku guuldaraysan lahaa haddii Ciise uu ku caawin lahaa sida ugu degdegta badan?)
Muxuu Ciise inoogu eegtaa dhibaatooyinka oo uu mar dambe inooga soo gaaraa?
10. “Ciise intuu gacanta qabtay ayuu cagahiisa ku istaajiyay” (27). Qofka aad ka murugoonaysa qoraalkaas ku dhexdar. Aayada 27aad maxay adiga ahaan kuugu oronaysaa?
BISHAARADA: Xitaa markay dadka xunxun iyo jinka soo weerareen Ciise, wuxuu rumaysnaa awooda iyo jacaylka Aabahiisa Jannada ku jira. Rumaysadkiisa kaamilan awadiis inaga xitaa waxaan ka heli karnaa gargaar shaki walboo inagu jiro.
© 2009 Glad Tidings Bible Studies in Somali - www.gladtidings-bs.com
12. OOHINTI TUUGSADIHI INDHAHA LA’AA (Mark 10:46-52)
DULUCDA/TIXRAACA: Intaan hadda ognahay, Ciise wuxuu Yeerixo booqday hal mar keliya. Waxay dhacday safarkiisi ugu dambeeyay ee Yerusalem. Ciise wuxuu ahaa farcankii Dauud. Ilaah wuxuu boqorkan ka ballan qaaday in Wiilkiisa ku fariisan doona kursiga Israaiil weligiis (2 Sam.7:12-16). Roomankii, ka talinayay dalka waqtigan, maaysan u dulqaadin jirin qof boqorradi hore sheesheegayo iskabadaa kuwa hadda joogee. Ciise hal mar baa loogu yeeray wiilkii Daauud dhacdadan kahor markaasna waxaa ugu yeeray ajnabi (Mat. 15:22).
1. Hadii aad tuugsade ahaan lahayd, maxaad u malayn lahayd waxa kuugu adkaan badnaan lahaa?
Waa maxay farxadaha iyo murugooyinka ninkan tuugsadaha ah?
2. Qofka indhoolaha ah muxuu ka baran karaa markuu maalin walbo wadada agteeda fadhiyo haddii uu wax sii fiican u maqlayo?
Sadexdi sano oo uu Ciise shaqada waday Bartimayos wuu maqlay in Ciise meelaha ka dhowyahay. Muxuu bogsiin ugu doonan waayay sida markuu Yerusalem tagi jiray si uu u guto waajibkiisa diineed oo u jirta 30 kilomitir meeshu Bartimayos?
3. Maxaa ugu yaab badnaa Batimayos markuu ogaaday in Ciise magaaladiisa yimid (46)?
Muxuu Bartimayos qorshaystay markuu ugu dambayntii Ciise yimid Yerixo?
4. Siduu Bartimayos ku ogaaday in Ciise yahay wiilkii Boqor Dauud (47)?
Muxuu Bartimayos uga cabsan waayay ciidamadi Roomanka, oo uu Ciise ugu salaamay sida boqor korsigiisa ku fadhiya (47)?
5. Maxay dadka u doonayeen in ay dejiyaan Bartimayos? Dhinacyo badan ka eeg (48).
Muxuu hal qofna intuu gacanta Bartimayos gacanta qabto ugu gayn waayay Ciise (48)?
6. Sidee buu Bartimayos u baddalay oohintiisi, muxuuna u baddalay? Isu barbardhig aayadaha 47aad iyo 48aad?
Siduu Ciise u arkay marki loogu yeeray boqor (49-51)?
7. Siduu Bartimayos dareemay markay dadku ku yiraahdeen Ciise ayaa kuu yeerayaa (49-50)?
Bartimayos aad ayuu dadaali jiray maradiisa waayo joodari ayay u ahayd. Maxay ku dhacday in uu maradaas si degdeg aha ku tuuro (50)?
8. Muxuu Ciise u waydiiyay Bartimayos suaashan (51)?
Ciise wuxuu ku waydiinayaa suaashaas oo kale imminka (51). Fadlan si daacad ah ugu jawaab. (Qalbigaad kaga jawaabi kartaa.)
9. Siduu Ciise ku bogsiiyay indhaha ninkan (52)?
Aayada 52aad waxaa loo micnayn karaa labo siyaabood: “Rumaysadkaagaa ku bogsiiyay” ama “Rumaysadkaagaa ku badbadiyay.” Muxuu Ciise ugu yiri Bartimayos erayadan xaaladdan?
10. Bartimayos wuxuuu Ciise u raacay illaa iyo Yerusalem (52b). Maalinti ku xigtay qof walbo wuxuu Ciise ugu yeerayay “Wiilkii Daauud” markuu caasimadda soo gelayay (11:9-10). Door intee laeg buu ka cayaaray Bartimayos xaaladdan?
Todobaad gudaheed, Bartimayos wuxuu arkay gargaarishiisi oo iskutalaaabta lugu qodbayo. Muxuu u maleeyay in ay tahay sababta Ciise loo dilayo?
© 2009 Glad Tidings Bible Studies in Somali - www.gladtidings-bs.com
13. JACAYL MA GUUL DARAYSAN DOONO (Mark 14:1-9)
DULUCDA/TIXRAACA: Hogaamiyaha waa inuu wax ka sheegaa waxa ay aayadahan naga barayaan Maryantii reer Betaniya: Lukoos 10:38-42, Yoxana 11 iyo Yoxana 12:1-11. (Maryantan waa inaan loo malaynin Ciise hooyadii ama naagta ku xusan Lukoos 7:36-50). Waxaa iska cad in labadii waalid ee Marta, Maryan iyo Lasaros ay dhinteen. Waxaa macquul ah in lacag ay uga tageen gabdhahooda si ay u isticmaalaan marka la guursado ama ay waayeelloowaan. Todobaadki ugu dambeeyay ee Ciise noloshiisa aduunyada ayaa billaabanayay.
1. Maxaad saaxibkaa hadiyad ahaan ugu geyn lahayd haddii aad ogaani lahayd in uu dhimanayo?
Ciise wuxuu halkan kaga hadlayaa aaskiisa (1-2, 8)? Ma kula tahay in Maryan ay uga aqoon badnayd xerta dhimashada Ciise in ay goor dhow dhacayso? Sheeg sababta.
2. Dhalo barafuun ah waxay joogtay qiimo la mid ah mushaarka qofka ugu mushar badan sanadki (3). Waa sababtaas waxa loo isticmaalayo hal dhibic markiiba. Dhaladaas meeqay maanta ku ahaan lahayd lacagteenna?
Qofku meeqay ku qaadataa inuu keydiyo mushaarka sanad oo kale?
Maryan markeey soo gaday cadarkii qaaliga ahaa maxaay kaga fakireeysay meherkeedii?
3. Maxaay maryan ugu shubtay dhamaan waxii ku jiray garaafaha madaxa ciise mesheey kaga shubi laheed wax yar uun ?
Erayada Masiixa iyo Ciise waxaa laga wadaa kii la caleemo saaray, inta badan boqoradii yahuuda waa la caleemi saari jiray biloowga shaqo-biloowgooda. Maxaa lakiin ciise loo caleemo saari waayay oo uun u dhacday duuugoodii.
4. Maryan keydkeedi oo dhan waxay ku gaday dhalo barafuun. Waa maxay dacyadda aadka ugu darnayd ay kala kulmi kartay dadkad (4-5)?
Sidee buu mushaarkaas sanadka u caawin lahaa masaakiinta magaalada (5)? Dhinacyo badan ka eeg.
5. Sidee buu Ciise u difaacay maryan?
Ma u maleeneeysaa inuu Ciise kugu dhihi lahaa waxuu ku yiri maryan ayada iya asgu waxuu awoodo?
Laga bilaabo hadda maxaad u qabaneeysaa Ciise?
6. Maxaa camal ahaan ka dhaxeeyay ciise iyo maryan markaad fiiriso iskutalaabta iyo ayada 9 ee kitaabka quduska ah?
teebaa khasaaro weeyneed beey kula tahay inaay maryan ku shubto cadarkeedii qaaliga aheed ciise iyo inuu ciise ku shubo dhigiisa maryan?
7. maxaay tahay waxa cajaa ib ka ah arinta maryan ee waligeed la hilmaameen?
maxaad jeclaan laheed in lagugu xasuusto markaad dhimato?
8. Sideey beey u dareentay baad u malaneeysaa maryan lacagteey ku khasaarisay ciise?
Sideey bay ku baratay maryan inaay ciise jeclaato?
Sideen baa ku baran karnaa inaanu u jeclaano ciise sidaay maryan u jeclaatay?
BISHAARDA:Waxaay maariyad ku jeclaatay ciise dhageeyso waay u adeegtay oo waqtigii la rabay.waxaayna isla markiiba aamintay cafiska danbiyadeeda imaankeeduna waxuu gaarsiiyay heer aay hurto wax walba rabiga. Waxaayna aheed Ciise mid uu qaatay malin walba markuu uu dhulka ku dul socdayay maalmihii ugu danbeeysay
© 2009 Glad Tidings Bible Studies in Somali - www.gladtidings-bs.com
14. JEES JEES AYAA LOO XUKUMAY CIISE (Mark 15:1-15)
TIXRAACA/ Waxaa jiraan su’aalo badan oo aadan kaga jawaabi Karin halsaac. ka dooro labo ilaa iyo sadex qof wada haddalkaada sidoo kale u kala qeeybi labo kooxood. Koox walbana waxay noqoni mid ama labo kadibna waxay la qaybsanayaan kuwa kale.
1. BONTIYOS BILAATOOS
Wuxuu ahaa taliyihii Yahuudiya 26-36 sano dhalashadi Ciise Masiix kadib, wuxuu matalayay xoogaggii Roomaanki wuxuuna xukun hoostegayay boqorkii la oran jiray Tibeeriyos. Bilaatoos ma uusan doonayn in boqorku maqlo oo ah in Yahuudu macaaradoowayaan. Haddaba goaanka isaga ayaa lahaa inuu qof ku xukumo dhimasho ama uu iska daayo.
Aayadaha 1-15
Maxaad ka fahmi kartaa Bilaatoos waxa uu yahay iyo waxa uu qiimiiyo?
Maxaad ka malaysan kartaa Xaakin dadka waydiinayo sida kuwa ku qoran aayadaha 12 illaa 14, marka la hor taaganyahay?
Muxuu Bilaatoos awoodiisa u isticmaali waayay intuu kuwa kale goaanka u dhiibayay?
Maxay kula tahay in Bilaatoos Ciise u maleeyay? (Muxuu Ciise labo mar ugu yeeray “Boqorka Yahuudda” aayadaha 9 illaa iyo 12.) ?
Labadan nin isu barbardhig: taliyihii Romaanka iyo Boqorka Yahuudda. Waa maxay waxa ay ku kala duwanyihiin xaaladdan iyada ah?
Yaa ugu dambayntii dhameeyay dacwadan sharciga ah?
Sidey kula tahay in Bilaatoos dareemay markuu Ciise ku xukumay in la garaaco oo iskutalaabta lagu qodbo (15)?
Siday kula tahay in Bilaatoos damiirkiisi ahaa noloshi inti ka harsanayd oo dhan?
Haddii aad ku dhex jiri lahayd kabaha Bilaatos subaxaas, sideed xaaladdan u xalin lahayd?
2. BARABBAS
Dilaa iyo hogaamiye siyaasadeed oo macaarad ahaa, magaciisa wuxuu ka dhiganyahay wiilkii aabaha.
Aayadaha 6-15
Bal qiyaas carruurnimadi, dhalinyaronimadi iyo ninnimadi ninkan. Maxaa Barabaas ku khasbay inuu noqdo siiyaasi iyo dilaaba?
Haddii xaaladaada ay ka badalnaan lahayd, ma u malayn inaad adugu qudhaada aad dilaa noqon lahayd? Sabab?
Muxuu Barabaas ku fakarayay markay soo dhowaatay maalinti la xukumi lahaa? (Ma kula tahay inuu inaba shallaayay?)
Ma u malaynaysaa in Barabaas u tegay si uu u soo arko midka la qodbay intuu isaga is arki lahaa?
Sidee baan inagoo Barabaas ugu ekaan karnaa marka Ciise noola fiiriyo?
3. WADAADKII SARE
Sida caadada ahayd waxaa jiri jiray hal wadaad sare laakiin halkan waxaa jireen labo. Kayfaas wadaadki sare ee rasmiga ahaa sanadadii 18-36 dhalashadii Ciise Masiix kadib iyo soddogiis Anaas, kasoo hore jagada u soo hayn jiray. Anaas wuxuu dadka u isticmaali jiray wiilka uu soddaga u yahay.
Aayadaha 1-15
Maxay kula tahay in wadaadada sare ay aad u qiimayn jireen nolol ahaan?
Maxay Kayfaas iyo Anaas nacab ugu ahaayeen Ciise?
Maxay wadaadada sare u garan waayeen waxa niyadooda ku jira?
Dembigee aad kuula xumaa: Dilalkii sharciga ahaa ay wadaadada sare gaeysyteen mise dilalkii uu Barabaas geystay intuu macaaradka ahaa?
Maxaa ka dhigi karaa qof diinta ku adag inuu qalab shaydaanku ku adeegta noqda?
Ma kula inaad la mid tahay wadaadadi sare innaba? Haddii ay jirto waa side?
4. DADKII BADNAA
Waxay ku qaylinayeen “Hosaanna” iyagoo Ciise ku wada axadi ka horeysay. Hadda waxay ku qaylinayeen: “Daldala!” waxaa hubaal in dad badan oo uu Ciise caawiyay.
Aayadaha 8-15
Maxay dadka badanakood u doonayeen in dilaa khatar ah la sii daayo?
Sidee dadka looga dhaadhacsiiyay in ay kasoo horjeestaan gargaarahoodi? (Maxaa loo waayay xitaa hal qof oo Ciise u istaaga amaba ka horimaada dadka waxa ay sheegayeen?)
Maxaad samayn lahayd haddii aad subaxaas halkaas joogi lahayd?
Ma u malaynaysaa tan oo kale in ay ka dhici karto dhalkeenna maanta? Sheeg Sababahaaga
Qoraalkan muxuu inaga barayaa dhinaca san iyo dhinaca xun ee demuqraadiyadda?
5. CIISE
Wuxuu ku hadlay hale ray intay dhcawada socotay (2). Haddii kalena wuu aamusnaa.
Aayadaha 1-15
Ilaa waqtigan Ciise wuu diiddanaa in loogu yeero magac kale oon ka ahayn “Wiilka Aadanaha.” Laakiin muxuu markan u ogaaladay (2)?
Muxuu Ciise isku difaaci kartaa?
Isu barbardhig Ciise iyo dadka kale ee qoraalkan ku xusan. Siduu oga duwan yahay iyaga? (Waa maxay waxa Ciise dadka ku soo jiidanayo, marka xaaladiisa la eego?)
Sidee buu Ciise u arkay dhiig cabayaalka ku wareegsanaa?
Yaa dacwadi Ciise ugu dambeyntii dhameeyay: Bilaatos, Ilaah ama Shaydaan?
© 2009 Glad Tidings Bible Studies in Somali - www.gladtidings-bs.com
15. CIISE WUXUU LA KULMAY LABO [GAANGEESTAR] BURCAD (Lukoos 23:32-43)
DULUCDA/TIXRAACA: Boqortooyadii Roomanka, Saliibka waxaa loo isticmaali jiray dembiyada ugu xunxun. Marka halkan waxaan ka qiyaasan karnaa in labadan nin ay ahayeen labo tuug oo dadka u dilo jiray lacag aawadeed. Masiix ama Kiristos wuxuu ahaa magici ay Yahuudda sugayeen tan iyo axdigii hore.
1. Qof ku dilo dadka gacantiisa ama carbkiisa ma faraxsanaani karaa?
Maxay dhalinyaro badan oo maanta jooga u jecelyihiin inay dagaal iyo rabsho abaabulaan?
2. Bal ka fikir sababta labadan nin ku kaliftay inay wax boobaan iyagoo dhalinyar ah?
Yay kula tahay inuu caawin kari lahaa labadan intayan arriintooda heerkaas gaarin?
Ma badali kartaa dhaqankaaga markaad ogaatid inay adiga iyo dadka kaleba dhibayso?
3. Labadan waxay qof walbo oo kale uga aqoon badanyihiin dhaqanka Ciise. Maxaa dhaqanka Ciise ka mid ahaa oo nimankan aad u cajab geliyay? (34-38)?
Muxuu Ciise ugu difaacayay aabihiisa jannada ku jiro kuwi isaga xasuuqayay (34)?
Ma ugu ducayn cadowgaaga ugu xun: “Eebow cafi waayo ma garanayo sida xun ee iila dhaqmayo?” (34)
4. Qoraalka ka eeg waxa dadkii badnaa, taliyayaashi, askartii Roomanka iyo tuuggii midkood ugu qaylinayeen Ciise (34b-39)?
Maxay dadkan ugu jeesjeesayeen Ciise? (35-39)?
Maxaa loogu oo ka mid ahaa Ciise saaxibbadiis inuu isaga u istaago oo uu difaaco?
Adiga ahaantaada maxaad samayn lahayd haddii aad joogi lahayd halkaas?
5. Maxaa ka keenay labadii tuug midkood inay ka dhaadhacdo in Ciise yahay boqor uuna leeyahay boqortooyo u gaar ah (37-38, 42)?
Bal isu barbardhig Ciise oo iskutalaabta saran iyo boqorrada kale ee dunidan?. Maxay aad ugu kala duwanyihiin?
Maxaa ka keenay mid labadii tuug ka mid ah in ay ka dhaadhacdo in Ciise ahayn keliya boqor balse uu Ilaah yahay (40-41)?
6. Dembiileyaasha ma qirtaan dembiyadooda siday u badanyihiin. Muxuu labadii gaangestar midkood u qirtay in ciqaabta saxda ee dembigiisu tahay dil (41)?
Muxuu gaangestarkii kale u qiran waayay dembigiisa xitaa isagoo ku sugan xaaladaas?
Labadan (gaangestar) burcad kee baad si wanaagsan u fahantay: Ma kan dembigiisa qirtay mise kan inkiray?
7. Aayadda 42aad waxa ku xusan baryo gaaban: “Isoo xasuuso!” Maxay inaga aadanaha ah muhiim inoogu tahay inuu qof ina jecel ina soo xasuusto xitaa markaan dhibaato xun ku sugannahay?
Muxuu gaangestarkan u waydiisan waayay in si toos loogu ogolaado inuu galo boqortooyada Ciise?
8. Maxay kula tahay inuu dembiilahan malaystay markuu maqlay jawaabta Ciise uu siiyay (43)?
Muxuu Ciise ugu ogolaaday Jannada nin dilaa ah?
Goormuu ninkan dembiilaha ah rumaystay Ciise? Sheeg aayadda.
9. Bal qiyaas nolosha ninkan saacadihi ugu dambeeyay ee uu Ciise rumaystay. Miyuu faraxsanaa mise wuu murugaysnaa?
Waxaa suurta gal ah in hooyadii naagtiisa ama cunungiisa uu joogay iskutalaabta hoosteeda. Ninkan xasuus nooce buu reerkiisa kaga tagay?
Ninkan xasuus noocee buu kaga tagay qarniyada sheekadiisa Kitaabka ka akhrinaya?
10. SUAALAHA BISHAARADA: Albaabadii Jannada waxaa loo furay nin Burcad ah, laakiin Ciise wuxuu ka galay albaabkii naarta. Ma rabtaa inaad u barida siduu ninkan u baryay: “Ciisow I xasuuso” haddii aad ku baradid wuxuu ku siinayaa jawaabti oo kale: “Maalin baad jannada ila joogi doontaa.” (Qalbigaagaad kaga jawaabi kartaa.)
(Waa in qof walbo ka jawaabo): Waa maxay ugu muhiimsan ee aa baratay intaad kuguda jirtay barashada casharkan?
© 2009 Glad Tidings Bible Studies in Somali - www.gladtidings-bs.com
16. SARAKICIDDII LA RUMAYSAN KARI WAAYAY (Mark 16:1-8)
TIXRAACA: Sida sheeko hore ku qoran, Markos wuxuu ahaa turjubaanka Butros; injiilkiisana wuxuu ahaa injiilki Ciise siduu butros u arkay. Waxaa aadka looga hadlay injiilkan waa xerta rumaysad la’aantooda. Ciise wuu sii shegay inuu dhimanayo oo uu soo sarakacayo sadex mar, laakiin xerti way rumaysan waayeen. Ogow jirka Ciise waa la subkay maalintuu dhintayba.
1. Maxay naagihii reer Galiile ugu adkaysteen inay booqdaan qabriga, iyadoo xitaa ay ogaayeen in dhagaxi la qaaday oo askarti wardiyeynayeen u sheegeen in Ciise maqanyahay (1-3)?
2. Naagaha waxay marag jirkan Ciise oo laba maalmood ka hor la subkayay. Maxay u doonayeen inay mar kale subkaan?
Ma kula inaad taaban lahayd jirka qof aad jeceshahay oo xaaladaas oo kale ku sugan?
Yoxaana keliya ayaa marag ka ahaa dhimashada Ciise waayo kuwi kale way ka qaxeen goobta. Maxay hadda u iman waayeen qabriga hogaamaiyahooda? (Ma kula tahay in ay ku kala duwan yihiin dumarka iyo ragga xaalddan? Haddii ay jirto waa maxay?)
3. Haddii ay naagahan rumaysnaayeen in Ciise soo sarakacayo siduu horaba u sheegay siday kula tahay inay u dhaqmi lahayeen subaxaas axadda ah (1-4)?
4. Maxay naagaha u malaysteen markay maqleen erayada malaa’igta (6-7)?
Maxay naagaha aad aga cabsi qabeen (8)?
5. Goormuu Ciise u doortay inay naago noqdaan markhaatiyaalkiisa koowaad ee sarakaca, inkastoo waayadaas aan loo ogolayn in dumarka markhaatiyaal ka noqdaan maxkamadaha (7, 10)?
6. Goormay iyo siday naagahan rumaysadka sarakicidda Ciise qalbiyadooda galay?
7. Butros wuxuu inkiray Ciise labo maalmood ka hor. Siduu u arkay markuu Ciise u soo diray salaam gaar ahaanayd (7)?
8. Wax ma jiraan noloshaada kugu adag ama ah sida calaacashaadoo timo ka soo baxaan? Is there anything in your life that seems as impossible to you as a corpse rising again? (Qalbigaagaad kaga jawaabi kartaa.)
Sideed ugu jawaabi lahayd haddii Ciise kugu canaanan lahaa rumaysad la’aantaada sida xertiisa oo kale ee aayadda 14?
9. Maxay ku kala duwan yihiin sarakicidda jirka oo lagu barto masiixiyadda kale iyo noolaanshaha naafta oo diimaha badankooda?
10. Haddii aysan jirin sarakicidda jirka, maxay masiixiyadda u soo bandhigi lahayd aadanaha?
Haduu qof rumaysto wax baridda masiixiyadda oo dhan laakiin uu inkiro sarakicidda jirka. Maxaanan ugu yeeri Karin qofkaas masiixi?
BISHAARADA: Marka ugu dambaynti xerti rumaysteen in Ciise soo sarakacay jir ahaan, waxay noqdeen markhaatiyaalkiisa meelo badan. Badankood waxay ku dhiinteen shahiidnimo iyagoo ku adkaystay rumaysadkooda. Waxay ogaayeen in Ciise la jirayo weligood aduunkan iyo aakhiraba.
© 2009 Glad Tidings Bible Studies in Somali - www.gladtidings-bs.com
17. CIISE WUXUU LA KULMAY XER SHAKIYAY (Yoxana 20:19-29)
DULUCDA/TIXRAACA: Toomas wuxuu ka mid ahaa labo iyo tobankii xerta ahaa ee Ciise. Waxaa macquul ah inuu mataan lahaa waayo magaciisuba waa Mataan.
1. Qof aadana ah ma kula noolaan farxad dunidan korkeeda isagoo aan rumaysnayn in jirkiisa ka soo sarkici doona xabaasha?
Waa maxay waxyaabaha wanaagsan ee Toomaas? Iyo waxyaabihiisa xunxun?
Muxuu Ciise aga dhigtay ninkan oo kale xertiisa?
2. Maxay xertiisa ka malaysteen Ciise subixi iyo maalinti axadda ee Istarta?
Maxay xerta u rumaysan waayeen sarakicidda Ciise?
Bal qiyaas halkuu Toomaas ku maqnaa galabki axadda waayo ma uusan la joogin 10kii xer oo kale? (24)?
Muxuu Ciisihii soo sarakacay ugu salaamay xertiisa: “Nabad Ha idinla jirto” (21, 26)?
3. Sarakicidda waxaa sii sheegay Nabiyadii axdigii hore iyo Ciise qudhiisa. Hadda tobankii saaxib ee Toomaas way u sheegeen inay Ciise ku arkeen indhahooda, muxuu Toomaas u rumaysan sarakicidda Ciise xitaa marki xerta dhan u wada sheegeen (25a)?
Haddii Toomaas ahaan lahayd ma kula tahay inaad Sarakicidda rumaysan lahayd? Sheeg sababahaaga.
4. Siday kula tahay inuu Toomaas dareemay todobaadki ay saaxibbadiis damaashaadayeen?
Maxaa Toomaas ku khasbay inuu saaxibbadii la jooga todobaadkaas oo uusan aga tagin?
Maxaa ku dhici kari lahaa Toomaas haduu ka tagi lahaa xerta waqtigaas?
Maxaa nugu dhici karaa haadii aan ka tagno kooxda kooxda Masiixiyiinta markaan ka shakinnaba masiixiyadda?
5. Muxuu Toomaas u rabay inuu taabto Ciise intuusan sarakicidda rumaysan ka hor (25b)?
Siday kula tahay inuu Toomaas dareemay markuu Ciise si toos ula hadlay (25-27)?
6. Maxaa cadaynaysaa in Ciise uusan ahayn ruux ama reer aakharaad (27)?
Ma kula tahay in Toomaas dhab ahaan u taabtay gacmaha Ciise iyo dhinaciisaba?
7. Toomaas wuxuu ahaa qofki ugu horreeyay ee Ciise ugu yeera Ilaah, keliya ugumuusan yeerin wiilka Ilaah (28). Maxay Masiixiyiinta dhan ee dunida u aaminsan yihiin in Ciise yahay Ilaah?
8. Yuu Ciise la hadlayaa aayadda 29aad?
Maxay muhiim u tahay inaan rumaysanno gargaarka Ilaah intaadan dhab u arkin ka hor?
9. Sida ku qoran halkan siduu Ciise u tixgelinayaa qof rabo inuu rumaysto laakiin aan Karin?
Maxaad ugu jawaabi haduu qof kugu yiraahdo: “Waan rumaysanahay Ciise laakiin ma rumaysni sarakiciddiisa jirka”?
Maxay Masiixiyadda u baaba’aysaa haddii aan dadka lugu barin sarakicidda jirka ee Ciise?
10. SUAALAHA BISHAARADA: Toomaas wuxuu Ciise ku yiri: “Rabbigaygow Ilaahaygow!” sidaas oo kale ma u qiran kartaa maanta? (Qalbigaagaad kaga jawaabi kartaa.)
Waa in qof walbo ka jawaabo: Waa maxay waxa ugu muhiimsan ee aad baratay intaad kuguda jirtay barashada casharkan?
© 2009 Glad Tidings Bible Studies in Somali - www.gladtidings-bs.com